Xubo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo kulan kula yeeshay Magaalda Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta

Axad, 28, 9, 2008 (HOL)   Xubno ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Max'ed Xasan Xaad ayaa markii ugu horeysay kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan.
 
Max'ed Xasan Xaad oo ugu horeyn kulanka furay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay socdaal ay ku soo mareen Gobollada Mudug iyo Gal-gaduud iyo waliba sidii looga soo dhaweeyay, gaar ahaan waxaa uu sheegay in dhamaan dadkii ay la kulmeen sida uu hadalka u dhigay ay ahaayeen kuwo u hamuun qaba in maalin maalmaha ka mid ah arkaan dalka oo xor ah.
 
"Runtii waxaa la dareemayaa in dalka isbadal saameynayo xornimadiina wax yar uun ayaa ka harsan sidaa daraadeed waxaa lagama maar maan ah in bulshadu meel uga soo jeesato sidii Dalka looga xoreyn lahaa Cadawga maanta heysta” ayuu yiri Xaad oo intaas raaciyay in ay wax lagu farxo tahay in Gobalka Hiiraan maanta xor yahay.
 
Waxaa kaloo uu intaas ku daray in dhamaan goobihii ay tageen dadkii ay kula kulmeen ay ahaayeen kuwo diyaar u ah dhameystirka inta yar ee guusha ka hartay, islamarkaana uu rejeynayo in dadka reer Hiiraan iyaguna la qaadan doonaan aragtidaas.
 
Waxaa intaas kadib hadalka qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Jimcaale oo sheegay in uu si weyn ugu faraxasan yahay la kulanka Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka  Hiiraan oo ah ayuu yiri Odayaal shaqo badan qabtay, isla markaana aan la dhayalsan karin.

Axmed Jimcaale waxaa kaloo uu sheegay in fariinta uu gudbinayo ay tahay tan uu sheegay Max'ed Xasan Xaad, laakiin waxaa uu yari “waxaan rabaa in aan ku daro mar hore in la mideeyo fikrada Beelaha Hawiye si markaas loo tiigsado yoolka la wada higsanayo”.
 
Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diirye Cali oo ka hadlay kulanka ayaa isna sheegay in wax badan uu dhagta ka maqli jiray Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan laakiin markii uu indhahiisa ku arkay uu aad ugu farxay.

Axmed Diiriye Cali oo ka hadlayay sida uu ku dhashay Magaca Golaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa yiri "" marka dadka intiisa badan uu maqlo Odayaasha Hawiye waxaa laga yaabaa in ay qabyaalad u qaataan laakiin arintu sidaa ma'aha, markii uu cadawgu dalku qabsaday waxaa laga fursan waayay in la helo magac lagula diriro, waxaan rabaa in aan idin sheego in aan la baxnay magacan hadda aynu ku shaqeynayo, sida aad la socotaanna wax badan waan qabannay” ayuu yiri Axmed Diiriye.
 
Laakiin waxaa xusid mudan in Nabadoon Axmed Carabey oo ka tirsan Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan in uu si kulul uu weeraray Xubnaha Golaha Odayaasha Beesha Hawiye, isagoo sheegay in magaca ay wataan uu yahay mid kaligood uun is kala baxeen oo aysan jirin cid u dhiibtay, waxaana uu sheegay in ka hor inta aan wax badan laga wada hadlin loo baahan yahay in laysla fahmo Magaca.
 
Ugu danbeytii kulanka oo sidoo kale uu ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow, ayaa laysku afgartay in la wada shaqeeyo, kulamo dambe la isugu yimaado, isla markaan la mideeyo Beelaha Hawiye oo sida kulanka laga sheegay aan isku aragti ka aheyn Siyaasadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia