
Axad, September 28, 2008(HOL): Hay’adda Samafalka Wadaniga ah ee Baniadam ayaa gaarsiisay deeq isgu jirta raashin kala ah Galley, Digir, Saliid iyo Bacaha Roobka laga galo qaar kamid ah dadka ka soo barakacay dagaallada ka socda magaalada Mogadishu.
“Deeqdaan lacageed oo dhan $64,000 waxaa iska soo qaaraamay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Ottawa iyo Toronto ee dalka Canada, waxaana naloo soo marsiiyay Hay’adda Human Concern International (HCI) oo na soo gaarsiisay”sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam Inj. C/Casiis Mayow Maxamed oo sheegay in ay lacagtaas ku iibiyeen Raashin ka kooban Galley, Digir iyo Saliid iyo waliba Bacaha Roobka laga galo.
Sida uu sheegay C/casiis Mayow deeqdan aayaa waxaa ka faa’iidaystay 5000 oo qoys oo ku kala nool kaamamka Kurdamac, Degmada Deyniile, Jaamacaddii hore ee Gaheyr, Kam weyne, Baladu Raxma, Shimbiroole, Bar Abukar, iyo Anfaca oo ku kala yaala Garasbaaley, Km13, Dayniile. Guud ahaan raashinka la qaybiyay ayaa waxa uu ahaa sida tan:
1. 500 kiintaal oo Galey ah
2. 250 kiintaal Digir ah
3. 500 oo caag oo Saliid ah oo kiiba 20 liitar ku jirto
4. iyo 2,000 oo xabo oo bacaha roobka ah
Dadka ka faa’iidaysatay deeqdan ayaa qoyskiiba waxa uu helayay 10 kiilo oo galey ah, 5kg oo Digir ah iyo Hal Liitar oo Saliid ah. Bacaha ayaa lagu qaybay iyadoo loo eegay sida dadku u kala liitaan.
Barakacayaasha oo ahaa kuwa ka soo barakcaay dagaallada Magaalada Muqdisho ka socda, isugu jiray Dad waayeello ah, Agoon, Caruur, Cuuryaamiin iyo waliba dad kale oo macluuli heyso ayaa ka mahad celiyay deeqda la soo gaar siiyay ayagoo ku amaanay Dadka Soomaliyed ee reer Canada sida ay uga damqdeen dhibatada haysata walaalahooda Soomaliyeed ee ka bara kacay Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Deeq Lacageed oo ka timid Dalka Canada la soo gaarsiiyo Dadku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana horay deeqo Lacageed u soo gaarsiiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee Dalka Canada, taasi oo lacagihii ay soo dhiibtay dawooyin loogu iibiyay Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan Dad qaba dhaawacyo kala duwan oo ay xitaa ku jiraan kuwo ka dhashay Dagaalladii lagu hoobtay ee bilihii Maarso iyo April ka dhacay magaalada Muqdisho, Isbitaalka Xaawo Cabdi oo isna lagu dabiibo dad isugu jira kuwo Muqdisho ka barakacay iyo kuwo meelo kale uga yimaada iyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay isna ku jiraan Hooyooyin iyo Caruur xanuuno kala duwan la il-daran, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in Deeqdaas ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada ku dhaqan raashin loogu iibiyay Dad ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo ku nool Tuulooyin hoos-taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia