Axad, September 28, 2008(HOL): Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu ku soo hadal qaaday Ciidamada Itoobiya ee dhawaan isaga guuray Magaalada Beledweyne, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay in ay tahay mid qeyb ka ah dadaalka la doonayo in dalka lagaga saaro Ciidamada Ajnabiga ah.
"Maanta Ciidamadii Itoobiyaaku ma joogaan Gobalka Hiiraan, taana waa mid ku timid daadaal iyo juhdi la galiyay sidii Ciidamadaasi looga saari lahaa Gobalka Hiiraan oo ah mid bilaw u ah wada hadalka socda ee la doonayo in dalka oo idil loogaga saaro Ciidamada shisheeye' ayuu yiri Shiikh Shariif.
Magaalada Beledweyne ee xaruta u ah Gobalka Hiiraan ayaa la oran karaa hadal heynta ugu badan waa warka ka soo yeeray Guddoomiyaha Isbaheysigga Dib u Xoreynta, maadaama markii hore dadku ay ku jahwareersanayeen sababaha keenay in Ciidamadu Itoobiyaaku isaga guuraan Saldhigii ay ku la haayeenn Gobalka, iyo waliba Su'aasha kalee ah suurta galnimada in Ciidamadu mar kale dib u soo laabtaan.
"Shiikh Shariif waxaa uu inoo sheegay war aynu ku faraxno, maxaa yeelay haddii ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya Gobalka Hiiraan uu yahay mid ku yimid wada hadal taas waxaa ay muujineysaa in aysan sahlaneyn in ay Ciidamadu dib u soo laabtaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo HOL u warmayay.
Sidoo kale Golaha Odayaasha dhaqan Gobalka Hiiraan ayaa ka mid ah qeybaha Bulshada ee soo dhaweeyay hadalka Shariifka, waxaana ay Odayaashu sheegeen in Shiikh Shariif uu yahay Muwaadin Siyaasi ah isla markaana doonaya in dadkiisa uu ku badbaadiyo wada hadal halkaas Dagaal wax lagu xalin lahaa.
Wareysiga Shiikh Shariif oo ahaa mid dhinacyo kale taabanayay ayaa ugu baaqay qeybaha isku haya dalka in loo turo Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu daashatay, waxaana uu intaas ku daray in Dagaal haddii uu wax tarayo horay loo soo arkay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo si weyn u soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Cabirka Farta
More News
- Xubo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo kulan kula yeeshay Magaalda Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan
- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo codsatay in aan la ogolaan in hubka saaran lagala soo dego Markab ku af-duuban Xeebaha Gobolka Mudug
- Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Mareykan iyo Ruushka oo ku wareegsan Markab Saanad Mileteri wada oo ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali qafaasheen
- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho
- Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Dalka Kanada oo Deeq Rashin iyo Bacaha Roobka laga galo gaarsiiyay Dadka ka soo barakacay Dagaallada Muqdishu
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Ciidamada Amisom ku eedeeyay in ay Beel gaar ah xasuuq ku hayaan
- Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Digniin u diray Kooxaha Burcad Badeedka
- Madaxweyne Rayaale iyo Dawladda Faransiiska oo ka wada-hadlay la-dagaallanka Budhcad-Badeedka