Axad, September 28, 2008(HOL): Madaxwweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay socdaal qaatay muddo laba todobaad ah, oo uu ku tagay dalka Faransiiska, Jaramalka iyo Ingiriiska.
Madaxweyne rayaale oo ay Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, xubno ka tirsan Golayaasha baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada], Masuuliyiin ka socday xisbiga UDUB iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha oo markii uu soo gaadhay Madaxtooyada Somaliland Shir jaraa’id halkaa ku qabtay, ayaa ka waramay socdaalkiisaa iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay. “Run ahaantii Safarkaygii ugu horeeyay waxa aanu ku tagnay dalka Faransiiska, galabtii aanu halkan ka baxnayba waxaanu ku yara hakanay Itoobiya, saddex saacadood ayaanu joognay. Subaxii ayaanu dalka Faransiiska ka degnay. Faransiiska waxa aanu kula kulanay La-taliyaha Madaxweynaha Faransiiska ee arrimaha Afrika oo muhiim ah oo aanay wadamada kale ee Yurub aanay lahayn oo nin awood gaar ah leh, ayaanu kula kulanay Madaxtooyada Faransiiska laftigeeda, xafiis uun ka soo hor jeeda ka Madaxweynaha. Run ahaantii waxa aanu iska waraysanay xaaladda Mandaqada iyo Faransiisku waxa uu inala qaban karo , runtii waxa aan u arkay kulankayagaasi Runtii Positive ayuu ahaa in ay wax inala qabtaan". Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale sheegay mar su’aalo la waydiinayay in ay Faransiiska ka soo wada-hadleen la-dagaallanka Budhcad-Badeedka oo uu sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac in si wada-jir ah looga hawl galo. Sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka Xisbiga Kulmiye oo uu ugu baaqay in ay dhexdooda ku dhammaystaan, isla markaana ay wax ku xalliyaan Dastuurka Xisbiga u yaala.
Hadalka Madaxweyne Rayaale ee Xisbiga Kulmiye ayaa ku soo beegmay waqti ay Guddi loo saaray xalinta Khilaafaadka Kulmiye soo saareen qoddobo iyo soo jeedimo ku salaysan xallinta Xisbiga dhexdiisa. Kaas oo ay ka biyo diideen garabka uu hor kacayo Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax oo u tartamay musharaxnimada jagada Madaxweyne-xigeennimo ee Xisbiga dhexdiisa.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland