Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Digniin u diray Kooxaha Burcad Badeedka

Cabirka Farta

Axad, September 28, 2008(HOL): Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (General Cadde) oo shalay dib ugu soo laabtay Dalka ayaa digniin rasmi ah u jeediyay Burcad Badeedka Puntland oo waqtiyadii la soo dhaafay ahaa kuwo si aad ah u soo xoogaysanayay.
 
Madaxwaynaha ayaa hadalkaan sheegay mar uu Madaxtooyada Magaalada Boosaaso kula shirayay masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland oo kala hadlay inta badan af-duubyada ka dhacay Xeebaha Puntland.
 
"Burcadda ma dhacayso mar la arko in ay af-duubtaan Maraakiibta , waxaanse wadnaa hindiso ku aadan sidii looga hortegi lahaa kooxahaasi Burcadda ah " ayuuna yiri Madaxweyne Cadde Muuse.
 
Mar uu ka hadlayay Madaxwaynaha sida looga hortagaya kooxaha Burcad badeedka ah ayuu sheegay in Puntland ay arimahaasi la kaashan doonto Dawlado awood leh kuwaasi oo uu xusay in ay diyaar u yihiin in la soo af-meero Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.
 
Hadalka ka soo yeeray Madaxwaynaha Puntland General Cadde ayaa yimid kadib markii af-duub loo gaystay Markab siday saanada Militari, isla markaana ku soo jeeday dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Mombasa kaasi oo laga lahaa Dalka Ukraine.
 
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Burcad Badeedka Puntland ayaa sheegay in haddii ay dareemaan tallaabo dhankooda loo soo qaaday ay dab qabadsiin doonaan dhamaan Maraakiibta ay af-duubka u haystaan.

Maamulka Puntland ayaa iminka dadaal  ballaaran uga jira la dagaalanka kooxaha Burcad badeedka ah, iyadoo ay sii kordhayaan af-duubyada Gaadiidka Badda ee ka dhacaya Xeebaha Soomaaliya.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia