Dowladda Federaalka Soomaaliya oo codsatay in aan la ogolaan in hubka saaran lagala soo dego Markab ku af-duuban Xeebaha Gobolka Mudug

Cabirka Farta

Axad, September 28, 2008(HOL): Agaasimayaasha  guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ja’raa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxay codsadeen in aan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee heysta Markabka Saanadda Mileteri wada loo ogolaanin in ay hub kala soo degaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan Dowladaha leh Maraakiibta ku wareegsan Markabka hubka wada in aysan u ogolaanin Kooxaha Burcad Badeedka ah in ay la soo degaan Hubka yar yar ee uu Markabkaas wado.

“Hub waxaa ugu filan Soomaaliya midka hadda yaala, hub kalena uma baahna, marka waxaan codsaneynaa in laga hortago in uu hubkaas galo gacanta Kooxaha Burcad Badeedka”ayuu yiri Maxamed Jaamac Cali oo sheegay in hubkaas oo gala gacanta Burcad Badeedka uu sii kordhin karo dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Agaasimahan u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo wakiil ka ahaa Agaasimayaasha kale waxaa uu intaas ku daray in Kooxaha Burcad Badeedka ah ay khatar weyn ku hayaan Xeebaha Soomaaliya, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in ay Caalamka ka codsanayaan in Dowladda Federaalka lagu gacan-siiyo sidii ay u sameysan lahayd Ciidamo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya.

“Burcad Badeedka Soomaaliya waxba kama tareyso Markab marka wax la af-duubto loo soo diro Xeebaha Soomaaliya iyo mid galbiya Maraakiibta gargaarka ee waxaa loo baahan yahay in Dowladda Federaalka lagu gacan-siiyo sidii ay u sameysan lahayd Ciidamo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Jaamac Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mar uu Agaasimaha ka hadlayay sababta keentay in ay abuurmaan Kooxaha Burcad Badeedka ayuu sheegay in ay taasi salka ku heyso Maraakiib Shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysan jiray, kuwaasi oo dhibaato u geysan jiray Kalluumeysatada Soomaaliyeed.

“Hadda sheekadah meeshaas waa ka gudubtay, waxayna taagan tahay in ku safarka Xeebaha Soomaaliya ay khatar noqoto, waxaan taasi ugu wacan Kooxo Burcad Badeed ah oo intey Maraakiibta iyo Doomaha qafaashaan lacag madax-furasho ah ka qaata”ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali.

Ugu dambeyntiina, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Markabka hubka wada ee ay af-duubka ku heystaan Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxay sheegayaan in seddex Markab oo ay kala leeyihiin Mareykanka iyo Ruushka ay ku hareereysan yihiin Markabka hubka wada ee ay heystaan Kooxaha Burcad Badeedka, iyadoo sidoo kalena ay diyaarado dagaal dul-heehaabayaan.

Sugulle Cali oo ka mid ah Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Markabka hubka wada heysta ayaa u sheegay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho in ay arkayaan Maraakiibta ku wareegsan, wuxuuna sheegay in haddii Ciidamada saaran ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan ay markabka dejin doonaan, isagoo weliba ku faanay in ay awood u leeyihiin in ay iska difaacaan Ciidamada ku hareereysan.

“Ciidamada saaran Markabka Mareykanka oo nala soo xiriiray ayaa waxay nagu yiraahdeen Markabka waxba kama dejin kartaan, laakin haddii aad doontaan idinku waad ka degi kartaan”ayuu yiri Sugulle Cali oo sheegay in Markabka ay heystaan ay ku doonayaan kaliya lacag madax-furasho ah, haddii laga siiyana ay sii deyn doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia