Isniin, October 06, 2008(HOL): Sarkaal u shaqeeya Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Victoria ayaa wuxuu ku dhaawacmay inta u dhaxeysa Deegaanka Shalaambood iyo Degmada Marka.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa sheegay in sarkaalka UN-ka u shaqeynayay uu ku dhaawacmay Miino loogu aasay inta u dhaxeysa Shalaambood iyo Marka, wuxuuna caddeeyay in Sarkaalkaas uu dhaawac ka soo gaaray meel dhegta hoosteeda ah, halka uu tibaaxay in uu geeriyooday Darawal gaari ku waday.
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in qaraxan uu ahaa midkii ugu horeeyay oo ka dhaca Marka iyo nawaaxigeeda, “Qaraxyada gobolka ka dhaca markii hore waxay ka dhici jireen Deegaannada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye iyo Wadada isku xirta Afgooye iyo Baydhabo, marka Qaraxaan wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo ka dhaca meel u dhow Magaalada Marka”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cilmi oo intaas ku sii daray in ay baaris ku hayaan ciddii qaraxaas ka dambeysay.
Hay’adda UNOPS ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in ay ku shaqo ku leedahay arrimaha maamul u sameynta gobollada, “Hay’addan waxay qaabilsan tahay maamul u sameynta Gobollada, gaar ahaan meelaha ay dadkeeda is-raacsan yihiin ayay fududeysaa in maamullo loo sameeyo, meelaha aysan dadkeeda is-raacsaneyn-na waa ay iska deysaa”ayuuna yiri Guddoomiye ku xigeenka.
Qaraxa lala beegsaday Sarkaalkan u shaqeynayay Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo guriga Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda ICRC oo Baydhabo ku yaala xalay bambo gacmeed lagu weeraray, halka maalmo ka horna Hay’adaha Care iyo IMC looga digay in aysan ka howlgeli karin meelaha ay ka taliyaan Xoogagga Islaamiyiinta Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia