Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo hub-ka-dhigis ku sameeyay Caruur badan oo la askareeyay


Isniin, October 06, 2008(HOL): Urur la magac baxay Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Deegaanka Baladul-Amiin ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu hub-ka-dhigis ugu sameyn lahaa Caruur badan oo Soomaaliyeed oo la askareeyay.

Isu-duwaha Mashruuca Hub-ka-dhigista Ururkan Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali ayaa HOL u sheegay in sababta ay Ururkan u sameeyeen ay tahay sidii ay u badbaadin lahaayeen caruurta Soomaaliyeed ee la askareeyay, wuxuuna caddeeyay in ay haatan gacanta ku hayaan 30 Caruur ah oo ay ka dhigeen hub ay heysteen.

Cabdibaari waxaa uu intaas ku daray in Caruurta ay hayaan oo ah kuwo da’dooda ay aad u yar tahay, isla markaana leh mustaqbal ifaya in ay baraan Maadooyinka Soomaaliga (qoris iyo aqris), Ingiriiska, Duruus diini ah iyo xirfado kale oo ay mustaqbalka ku shaqeysan karaan.

“Waxaan dooneynaa in aan Caruurtan u abuurno jawi ka duwan midkii fowdada ahaa ee ay ku jireen, waxaana haatan soo wanaagsanaaneysa niyadda Caruurta aan heyno oo markii aan qaabileynay qaarkood ay gacmaha kula jireen falal dembiyeedyo kala duwan”ayuu yiri Cabdibaari Yuusuf oo sheegay in dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya aaney mustaqbal u heynin Caruurta Soomaaliyeed in ay ku adeegtaan mooyee.

“Urur ahaan waxaan aaminsanahay haddii caruurtan xirfado loo yeelo in ay iyagana badbaadi lahaayeen,  annagana ummad ahaan aan ka badbaadi lahayn dagaalladaan sokeeye ee aan dhamaadka lahayn, waayo haddii si hoose loo eego dagaallada waxa lagu huriyo oo loo adeegsado waa caruurta iyo dhalinyarada oo aan la hagaajin mustaqbalkooda”ayuu mar kale yiri isu-duwaha Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed Cabdibaari Yuusuf oo carrabka ku dhuftay in Caruurta ay hayaan ay ka soo uruuriyeen 6 Tuulo oo hoos-yimaada Degmada Afgooye, kuwaasi oo kala ah: Nuur Dhicisow, Yalale, Kulan, Kalaan, Bangaley iyo Baladul-Amiin oo ay xaruntooda ku taalo.

Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali oo ka tirsanaa Ciyaartoydii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya, una ciyaari jiray Kooxdii Kubadda Cagta ee Madbacada ayaa wuxuu intaas ku sii daray in ay qorsheynayaan in Caruurta ay hayaan ay u sameeyaan meel ay seexdaan, Isbitaal lagu daweeyo, Masjid lagu cibaadeysto iyo Dugsi wax lagu barto.

“Carruurta aan hadda heyno oo tiradooda ay gaareyso 30 canug  waxaan rabnaa in aan gaarsiinno ilaa 60 cunug, lacagta mashruucaas lagu hirgelinayana waxaa ku tabaruci doona Dad Soomaaliyeed oo degan Waqooyiga Mareykanka haddii Alle idmo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdibaari Yuusuf oo sheegay in haddii ay dadka Soomaaliyeed ka qeybqaataan mashruucan la badbaadin karo caruur badan oo Soomaaliyeed oo Mustaqbalka anfaci kara dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Xarunta Caruurtan lagu xanaaneeyo oo loogu magac-daray Canadaville ayaa waxaa ka howlgala Macallimiin Caruurtaas wax bara, kalkaaliyayaashooda, kalkaaliyayaal Caafimaad iyo Haween qaabilsan in ay Cuntada u kariyaan, isla markaana ay jirkooda iyo dharkooda nadiifiyaan.

Caruurtan waxay fasax leeyihiin Todobaadkiiba laba jeer, iyagoo markaasina soo booqda ehelladooda oo si weyn ugu faraxsan dhaqancelinta u socota Caruurta oo ay markii hore maaro u la’aayeen.

Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali waxaa uu sheegay in haddii uu guuleysto mashuurcan hub-ka-dhigista ah ee ay ka bilaabeen Deegaanka Baladul-Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay u gudbi doonaan Gobollada kale ee Dalka, sidoo kalena ay ka fulin doonaan mashaariic midkan la mid ah, wuxuuna Soomaalida u rajeeyay in uu Allaah dhibaatada ka dul-qaado.

Ugu dambeyntiina, Isu-duwaha Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali waxaa uu mahadcelin ballaaran u jeediyay Dadka Soomaaliyeed ee gacanta ka geysta sidii uu u hirgeli lahaa mashruucan lagu dhaqancelinayo Caruurta la askareeyo ee ku sugan gudaha Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u xusay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Toronto ee dalka Canada.


Kala xiriir Ururka:

URL: www.somalichildsoldier.org
E-mail: [email protected]

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia