Isniin, 6, 10, 2008 (HOL) Kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga wada hadlay hanjabaadyo sida ay sheegeen loo soo jeediyay hay'adaha Care iyo IMC ee ka howlgala qeybo ka mid ah Gobalka.
Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo shir gudoominayay kulanka Odayaasha ayaa sheegay in kooxo ka soo jeeda deegaanno kale doonayaan in ay carqaladeeyaan howlaha samafalka ee ka socda Gobalka, isaga oo intaas raaciyay in ay uga baaqayaan bulshada Gobalka Hiiraan in ay ka hortagaan sida uu hadalka u dhigay isku dayga la doonayo in lagu hor istaago kaalmada loo fidinayo dadka dhibaateysan.
''Waa la fahmi karaa danta laga lee yahay wararka lagu cabsi galinayo hay'adaha samafalka waa in kaliya inta soo hartay bulshadu u dhitaan baahi iyo cudurro” ayuu yiri Nabaddoon Dacar oo dhinaca kale ugu baaqay hay'adaha Care iyo IMC in aysan joojin howlaha ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale baaq wada jir ah oo ay soo saareen Golaha Odayaasha markii uu kulanku dhamaaday ayaa lagu sheegay in Odayaashu soo dhaweynayaan hadalkii dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Gobalka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ee ahaa in hay'adaha Samafalku ka shaqeyn karaan Gobolka, islamarkaana Maxkamaduhu soo dhaweynayaan cid kasta oo gargaar u fidin karta dadka tabaaleysan.
Dhawaan ayay aheyd markii Af-hayeenka Koox Diimeedka Al-Shabaab Shiikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur uu ku dhawaaqay in hay'adaha Care iyo IMC aysan ka howlgali karin deegaannada ay ka taliyaan sida uu hadalka u dhigay Mujaahidiinta, waxaana sidoo kale xusid mudan in hadalkaas ka soo yeeray kooxda Al-shabaab si weyn uga xumaadeen dadka Barakcayaasha ah ee ku sugan Gobalka Hiiraan kuwaas oo sheegay in
u jeedadu tahay sidii laysu hortaagi lahaa kaalmada yar ee la soo gaarsiiyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo si kulul u canbaareeyay hanjabaadyo loo jeediyay qaar ka mid ah Hay'adaha Samafalka
More News
- Dad badan oo ku geeriyooday Duqeyn galabta loo geystay Suuqa Bakaaraha
- Sarkaal u shaqeeya Qaramada Midoobay oo Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Duleedka Magaalada Marka
- Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo hub-ka-dhigis ku sameeyay Caruur badan oo la askareeyay
- Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan oo ku laabtay Soomaaliya
- Guri uu Baydhabo ka degan yahay Sarkaal u shaqeeya Hay’adda ICRC oo xalay la weeraray, hal qofna lagu dilay
- Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo sheegay in ay la dagaallami doonaan Kooxaha Garoonka Diyaaradaha ka weerara gudaha Degmadaas
- Guddiga Amniga Gobolka Nugaal oo ka warbixiyay xaaladda Amaan ee Gobolkaasi