Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddiga Amniga Magaalada Garowe ayaa markii ugu horaysay ka warbixiyay waxqabadkooda Seddexdii Bilood ee la soo dhaafay oo ay wadeen hawlo wax looga qabanayo amniga Gobolkaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga Magaalada Garowe Shiikh C/qaadir ayaa sheegay in wax wayn ay ka qabteen amniga Gobolka oo baryihii u dambaysay ahaa mid soo xumaanayay.
C/qaadir Nuur Faarax ayaa tilmaamay in Sedexdii bilood ee la soo dhaafay ay wax wayn ka tareen dhanka amniga, iyagoo kaashanaya Saraakiisha Amngia Magaalada Garowe ee Caaasimada DGPL.
Maalmihii ugu dambaysay Magaalada Garowe waxaa ku soo badanayay dhalinyaro u dhashay Magaaladaasi, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan u gaysanaya dan-yarta ku Ganacsata Gudaha Magaalada.
"Waxaan fulinay Mashaariic aad u fara badan oo dhanka Amniga ah, waxaan mushaar u qornay 72 askari oo ka shaqeeya amniga” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Amniga Magaalada Garowe.
Mar uu ka hadlayay Xaaladda Ammaan ee Magaalada Garowe ayuu sheegay in iminka uu yahay mid aad u wanaagsan oo aysan jirin wax cabsi ah oo la xiriirta amni xuma ka dhalata Gudaha Magaalada Garowe.
Dhinaca kale Maamulka Gobolka Nugaal ayaa tilmaamay in dabagal aad u xooggan ay ku hayaan dil ka dhacay tuulada Xaaji Khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal , taasi oo ka dhalatay dagaal dhexmaray Dad ka Ganacsada Qaadka iyo kooxo kale oo Jidgooyo u dhigtay.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo baryihii u danbaysay ay soo baxayaan eedaymo loo jeedinayo Maamulka Gobolka Nugaal oo ku aadan in aysan wax ka tari karin amniga Gobolkaasi Nugaal.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia