Isniin, October 06, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay waxay weerar bambo gacmeed loo adeegsaday ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Yusuuf Xasan Mursal oo ah u qeybsanaha Hay’adda ICRC ee Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Weerarkaas Bambaano ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Ilaaladii Sarkaalkaas oo magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Cabdi, kaasi oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Baydhabo, balse dhaawacii soo gaaray oo darnaa aawgiis u geeriyooday.
Warar aynu ka helnay dad ku dhow Sarkaalka gurigiisa la weeraray ayaa sheegay in aanu Yuusuf Xasan xiligaas ku sugneyn gurigiisa, isla markaana uu safar ugu maqnaa Dalka Dibaddiisa, gaar ahaan Magaalada Nairobi.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Hay’adda ICRC oo ku saabsan sarkaalka u shaqeynayay ee gurigiisa la weeraray, iyadoo sidoo kalena uusan jirin hadal ka soo baxay maamulka Gobolka Bay oo ku saabsan falalka nabadgelyo darrada ah ee ku soo kordhaya Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinka waxaa sii xumaanayay ammaankeeda, waxaana ka dhacayay weerarro lagu qaado guryaha madaxda sare ee Dowladda, kuwa Xildhibaanada, qaraxyo iyo weliba dilal loo geysto saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia