Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo sheegay in ay la dagaallami doonaan Kooxaha Garoonka Diyaaradaha ka weerara gudaha Degmadaas

Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gudaha degmadaas madaafiicda uga tuura Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

“Intii madaafiic loogu jawaabayo kooxahaas ay ku dhici lahayd dadka ku dhaqan degmada Wadajir, annaga ayaa si toos ah ula dagaallami doonna, Talisyada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalkana waan la socodsiinay arrintaas”ayuu yiri Axmed Daaci.

Axmed Daaci waxaa uu sheegay in Ciidamada Maamulka oo kaashanayay dadka deegaanka ay shalay la dagaallameen kooxo doonayay in ay Madaafiic ku tuuraan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay haatan kadib sidaas oo kale ula dagaallami doonaan.

“Intii madaafiic lagu duqeyn lahaa dadkeena, annaga ayaa ka hormareyna oo la dagaallameyna kooxaha madaafiicda tuura”ayuu mar kale yiri Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci), guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley madaafiic lagu duqeynayay, iyadoo madaafiicdaasna la sheegay in ay jawaab u ahaayeen madaafiic kale oo kooxo hubeysan ay gudaha degmadaas uga tuureen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dad badan oo ku noolaa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir  ayaa waxay maalmihii aynu ka soo gudubnay ka barakacayeen guryahooda kadib markii ay u adkeysan waayeen madaafiicda ay is-weydaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga hubeysan  ee ka soo horjeeda.

Dadka ka barakacay Degmooyinkaas ayaa waxay isugu jiraan kuwo horay halkaas  ugu noolaa iyo kuwo  qax ku tegay kadib markii xaafadihii ay ku noolaayeen ay noqdeen goobo dagaal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia