Ururka cayaaraha heerka 1aad ee Sweden oo ka tanasulay tartankii kubadda cagta ay tobanka sanadood maamulayeen.

Cabirka Farta

Khamiis, October 02, 2008(HOL): Ururka cayaaraha heerka 1aad ee Sweden oo lagu tilmaaamo inuu yahay hooyada isbortiga Soomaaliyeed ee Yurub, iyagoo aasaasay tartamadaan sanadkii 1999 ayaa waxa ay maanta oo ay tariiqdu tahay 1da oktoober 2008 kulankoodii ugu dambeeyey kulamo taxana ahaa oo soo bilaawday bishii agoosto 2008, kulamadaas oo  looga hadlayey mustaqbalka cayaaraha lagu qabta magaalada Stockholm qeybta kubadda cagta ay iyagu maamulaan oo ka dhaca xaafada Soomaalida ugu badan tahay ee Rinkeby garoonka Knutby.
 
Waxaa jirtay in muddo ah nabad iyo wada hadal u socday  dad sumcad ku leh isbortiga Soomaaliyeed iyo guddiga cayaaraha heerka 1aad kaasoo ku saabsanaa si meel la isugu wada keeni lahaa labadaan tartan ee kubadda cagta, dadkaas oo aan ka xusi karno AUN Baaba Nuur xuseen Jeenyo, Mudane Axmed Sheel, mudane Abdulkadir Isoomarey, iyo mudane Axmed Nuur Seyga Ruushka, dadkaan oo in muddo ah siyaabo kala duwan uga dhaadhicinayey in la sameeyo tanasulaad walibana ay sameeyaan guddigaan cayaaraha heerka 1aad ayaa ku dhamaanayey natiijo laįan, inkastoo ay mar walba wadeen xiriirka xagga nabadda.
 
Dhamaadkii sanadkii  2007 ayaa waxaa u bilawday wada hadal cusub ay wadeen oo ay odayaal ka  ahaayeen laba nin oo sumcad ku leh isbortiga Soomaaliyeed iyo guddiga cayaarha heerka 1aad labadaas mudane oo kala ah garsoore caalami Maxamed Mukhtar Shiikh iyo cayaartooygii weynaa ee Bashiir Jeenyo, wada hadalkaan oo socday muddo sanad ah hase ahaatee uu aad usoo xoogeystay bishii agoosto 2008 ayaa ku dhisnaa ismaqal kala garqaadasho, iscafin, tanasulaad iyo ixtiraam dhexdooda ah qaas ahaan midka ay u  hayaan odayaasha hor fadhiya iyo guud ahaan cayaartooydii hore oo sida joogtada ah u leeyihiin xiriir ku saabsan mustaqbalka cayaarahaan qeybtiisa kubadda cagta, kuwaas oo aan ka xusi karno macalinIbrahim Suudaani,macalin giftin, khalif riiko, mukhtar cuti,yusuf shaqaaq, Biyooleey,shiikha, Abdulkadir madaxeey, xawa taako, Cantar Jeenyo, Omar Ganjab,awees fundi, iyo kuwa kaloo farabadan.


 
Kulankaan oo ka dhacay xafiiska ururka heerka 1aad ee ku yaal xaafada Rinkeby ayaa waxaa uu ku bilawday jawi dagan isla markaana aayada qurįan ku furay Maxamed Mukhtar, intaa ka dib ayaa shir gudoonka shirka oo ahaa gudoomiyaha cayaaraha heerka 1aad mudane Hamdi Shiikh Ahmed ka akhriyey goobta ajendaha kulanka isla markaana kusoo dhoweeyey hadalkii odayaasha isborti ee reer Sweden oo ka codsaday kulankaan loo fadhiyo.
 
Mudane Maxamed Mukhtar iyo mudane Bashiir Jeenyo ayaa hadalkii qaatay kana hadlay guud ahaan meesha ay mareyso nabadii ay wadeen, labadaan mudane, waxa ay aad ugu dheeraadeen warbixin dhan walba lahayd oo ku saabsaneyd mustaqbalka cayaarta kubadda cagta ah oo muddo khilaaf hareeyey.          
 
Warbixintii dheereed ka dib waxa ay u mahad celiyeen dhamaan guddiga cayaaraha heerka koowaad guddigiisa fulinta, iyagoo ku tilmaamay in had iyo goorba meesha wanaagsan ka eegayeen midnimada isbortiga, waxaa kalo ay meesha ka sheegeen intii ay ku jireen nabadeynta in waqti walba iyo shaqsi kasta ay u baahdaan in waqtigii lala balamo ku
imaanayey iyadoo ixtiraam weyn nasiinayeen, ayey ku soo gabagaabeeyeen warbixintoodii dheereed.
 
Intaa ka dib ayaa waxa ay ka hadleen isbortiga macnahiisa oo ah mid ku dhisan farxad, is jeceel, walaaltinimo iyo is dhexgal, waxayna sheegeen markii ay ka raadiyeen tartamadaan labada ah in aysan ku dhex arag arrimahaas, sidoo kale waxa ay ka sheegeen goobta horayna guddiga cayaaraha heerka 1aad dhowr mar ku celceliyey in dadweynaha reer Sweden aysan sidii hore ugu faraxsaneyn tartamadaan labada ah oo dhacayey sadexdii sano ugu dambeysay.
 
Odayaasha ayaa goobta ka sheegay markii ay la kulmeen guddiga guud ahaan iyo gaar ahaanba in dhamaan guddiga cayaaraha heerka 1aad oo dhan  ay rabaan in la sameeyo si walba oo cayaarahaan lagu badbaadin karo, dibna loogu soo celin karo sharafta ummada Soomaaliyeed, mida Isbortiga iyo mida dadweynaha Stockholm.
 
Warbixintii markii ay dhamaatay ka dib ayaa si gooni gooni ah ay hadalada u qaateen  xubnaha guddiga fulinta ee cayaaraha heerka 1aad, iyagoo mid walba fikaradiisa xagga midnimada isbortiga ka hadlayey, ugu dambeyntii ayaa lasoo gaaray waqtigii gabagabada shirka isla markaana mowqif mideysan laga gaaro mustaqbalka heerka 1aad.
 
Guddiga wuxuu go'aansiday sida soo socota:
 
1.Markii aanu eegnay midnimada isbortiga, sharafta Soomaaliyeed, codsiyada bahda isbortiga oo ay ugu horeeyaan labada oday ee kala ah Maxamed Mukhtar iyo Bashiir Jeenyo iyo cayaartooydii hore massuliyiintii isbortiga Soomaaliyeed, dadweynaha reer Stockholm, bahda isbortiga Soomaaliyeed waxaa goįansanay in la joojiyo guud ahaan cayaarta kubadda cagta  heerka kowaad ee Sweden., anagoo aarintaan ugu tanasulnay walaalheen SEUKI in ay meesha kasii wadaan tartanka kubadda cagta ah oo taariiqiga u ah reer Stockholm.
 
2- Waxaa dadweynaha iyo bahda isbortiga jecel ee jooga dunida dacaladeeda ka raali galineynaa sadexdii sano ugu dambeysay qilaafkii isborti ee ka jiray Stockholm, waxaana ugu bishaareyneynaa in aysan ka jiri doonin laba cayaar is garab socota hadii alla idmo.
 
3.Dhamaan madaxda kooxaha iyo cayaartooydii ka qeyb gali jirtay tartanka heerka 1aad waxaa ka codsaneynaa in ay nala gartaan goįankaan tanasulka u qaadanay midnimada Soomalinimo iyo horumarka isbortiga.
 
Waxaa xusid mudan inuu goob joog ka ahaa kulankaan gudoomiyihii ugu horeeyey cayaaraha heerka 1aad 1999 mudane Xaaji Faarax isagoo aad ugu farxay goįankaan ku dhisan isku tanasulid iyo soomaalinimo wuxuuna uga mahad celiyey goįankoodaas.
 
Mahad celin:
 
Waxaa u mahad celineynaa dhamaan dadkii iyo ururadii iyo shirkadihii sida hagar la'anta ahaa noo garab taagnaa tobankii sano, waxaa kaloo xusid mudan mudane Axmed Nuur Seyga Ruushka oo tabankaasi sano si hagar la'an ah u garab taagnaa guddiga cayaaraha isla markaana ka caajisin mar walba sidii isbortiga soomaaliyeed loo mideyn lahaa..
 
Waxaa diyaariyey:
 
Maxamed Mukhatar iyo Ibrahim Galbeyte