8 Dal oo Yurub ah oo isu baheysanaya in ay la dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya

Cabirka Farta

Khamiis, October 02, 2008(HOL): 8 Dal oo ka tirsan Ururka Midowga Yurub ayaa waxay isu baheysanayaan in ay la dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Faransiiska Mr. Herve Morin ayaa sheegay in ay abaabulayaan Ciidamo ka socda 8daas dal oo Yurub ah, wuxuuse sheegay in go’aankaas uu si kama dambeys ah u soo bixi doono marka ay Wasiirrada Gaashaandhigga Midowga Yurub ku kulmaan Magaalada Brussels ee dalka Belgium 10-ka Bisha November ee soo socota.

Hadalka u sii daayay Wasiirka Gaandhigga Faransiiska ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadkii hore Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ay qafaasheen Markab laga leeyahay Dalka Ukraine, kaasi oo lagu magacaabo MV. Faina, kaasi oo waday Saanad Mileteri oo ay ku jiraan Taangiyada Dagaalka.

“Waa in aan arrintan xalinaa”ayuu yiri Mr. Herve Morin oo intaas ku sii daray “Kooxaha Burcad Badeedka shalay iyo maalintii ka horeysay ma bilaaban ee waxay jireen sanado ka hor, dabcanna waa ay sii kordhayaan, iyadoo aaney jirin maalin aysan wax af-duuban”.

Dowladahan 8-da ah ee isu qaabeynaya in ay Ciidamo u soo diraan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin : Belgium, Cyprus, France, Germany, Lithuania, the Netherlands, Spain iyo Sweden.

Kooxaha burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa dhawaan waxay xeebaha Soomaaliya ku bartilmaameedsadeen 62 Markab, kuwaasi oo qaarkood ay sii daayeen kadib markii laga siiyay lacag madax-furasho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku baaqay in si naxariis darro ah loola dagaallamo kooxaha burcadeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

“Hadda sida xaalka ku socdo Badda Mediterenian-ka iyo Bad-weynaha Hindiya waa ay kala go’an yihiin, ganacsigana waxaa xayiran yahay, waxaas wax loo dul-qaadan karo maahee, dadkweynaha Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay si naxariis darro ah ula dagaallamaan”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka si kastoo badda ay ugu jiraan ay ugu dambeynta Berriga u soo baxaan, halkaasna lagula dagaallami karo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia