Khamiis, October 02, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay uu magaaladaas ka dhacay dil iyo qarax loo geystay sarkaal iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxan oo ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana qaraxaas ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca afar kale, kuwaasi oo isugu jiray Ciidamadii qaraxa lala beegsaday iyo dad rayid ah oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxaas kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana rasaastaas iyo qaraxa ka horeeyay ay saameyn ku yeesheen isu socodkii dadka iyo ganacsiga magaalada Baydhabo.
Dhanka kalena, Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhabo oo lagu magacaabi jiray Aadan Jiis ayaa waxay kooxo hubeysan ku dileen Xaafadda Isha, waxayna dad goob-joogayaal ah sheegeen in ay ninkaas toogteen seddex nin oo bastoolado ku hubeysan.
Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo ah oo isugu jira weerarro lagu qaado Xarumaha Dowladda iyo fariisimaha Ciidamada, iyadoo sidoo kalena ay jireen dhowr weerar lagu qaaday guryo ay magaalada Baydhabo ka degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia