Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa rajo ka muujisay hakinta Sicir bararka ka jira Deegaannada Puntland

Cabirka Farta

Khamiis, October 02, 2008(HOL): Wasiir ku xigeenka Maaliyada DGPL Yaasiin Faarax Cartan oo la hadlay Saxafada Gobolka Bari ayaa sheegay in Puntland iminka ay dadaal lama huraan ah ugu jirto arrimaha Sicir Bararka.
 
Yaasiin Faarax Cartan Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ayaa sheegay  in la diyaariyay qorshayaal wax looga qabanayo Sicir baraka, kaasi oo wax ka tari doona Maciishada kor u kacaysa.
 
"Waxaanu diyaarinay Gunnooyin loo qeybin doono Sarifyada Puntland si aynu wax uga qabano is-badalka Sicir bararka " Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland yaasin Faarax Cartan.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Maliyada ayaa u muuqday mid lagu dabar-gooynayo Sicir Bararka Puntland, iyadoo taasina ay soo dhaweeyeen dhamaan Shacabka ku dhaqan Puntland.

Magaalooyinka ugu waa wayn ee Puntland waxaa ku nool dad siyaabo kala duwan uga soo kacay Koonfurta dalka Somalia si ay u shaqaystaan Puntland, balse waxaa taabtay sicir bararka.
 
Maamulka Puntland ayaa dhawr jeer oo hore qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo Sicir Bararka , balse ma jirin wax is-badal ah oo tallaabooyinkaasi ka dhashay.

Faysal  Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia