Madaxweyne Rayaale oo hambalyo ugu jawaabay Madaxweynaha Jabuuti

Cabirka Farta

Khamiis, 02 October 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhambaal hambalyo ah oo u muuqday inuu kaga jawaabayo hadallo bogaadin ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaga hadlay Nabadgelyada ka hano-qaaday Somaliland u diray M/weyne Ismaaciil Cumar, Xaaskiisa iyo guud ahaan bulshada reer Jabuuti.

Sida lagu sheegay warsaxaafaddeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa hambalyada ah gundhig uga dhigay munaasibadda Ciiddul-fidtriga. Warsaxaafaddeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan munaadibada Ciidal Fidriga ah uu u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynuhu dhambaalkiisaasi Hambalyada ah waxa uu ku yidhi ‘Aniga oo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa aan Adiga , Marwadaada iyo shacbi-weynaha Jamhuuriyada  Jabuuti idiinku hambalyaynayaa Munaasibada Ciidal-Fidriga oo soo gaba-gabaysay bishii khayrka badnayd ee Ramadaan, waxana aan idin leeyahay Ciid Mubaarak , Kulu Caam Wa Antum Bil Khayr.

Mudane Madaxweyne, Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad-qab, Cimri-dheer, shacbiga aanu walaalaha nahay ee reer Jabuuti , waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu Ciidan Ciideeda ku gaadhsiiyo , Horumar iyo Barwaaqo” ayuu ku soo gaba gabeeyay Madaxweynuhu dhambaalkiisaasi.”
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland