Khamiis, 02 October 2008 (HOL): Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay hayaan liiska xubno door ah oo ay ka xulan doonaan murashaxa Madaxweyne-kuxigeen ee ku wehelin doona tartanka doorashooyinka Madaxtinimo ee la filayo inay dhacaan horaanta sannadka 2009-ka, isla markaana waxa uu beeniyay warar sheegayay in siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade uu xidhiidh kala soo sameeyay sidii uu mansab culus mustaqbalka uga heli lahaa xisbiga UCID.
Faysal Cali Waraabe oo uu xalay waraysi kooban la yeeshay wargeyska Ogaal, waxa uu jawaab ka bixiyay su’aal laga waydiiyay warar lagu faafiyay shabakaddaha wararka Internet-ka qaarkood, kuwaasoo lagu sheegay in Axmed Cabdi Xaabsade qorsheeyay sidii uu ugu biiri lahaa UCID, si Guddoomiye Faysal kadib uu mustaqbalka u noqdo Murashaxa xisbiga. “Horta Axmed Cabdi Xaabsade waa nin saciim (hogaamiye) ah..Nabadayntii Somaliland-na isaga (Xaabsade) wuu ka qayb qaatay. Markaa waxa weeye; Axmed Cabdi Xaabse wax kasta wuu u qalmaa. Dagaalkii sokeeye ee 1995 dhacay wuxuu ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka. Taa qudheeda wuxuu ka mid ahaa guddiyo aad isugu hawlay in aanu dagaalkaasi dhicin, anigana shaqsiyan saaxiib baanu nahay Xaabsade ilaa markii aanu Xamar joognay. Markaa Xaabsade wuu mutaystay inuu saddexda xisbi ka uu doono wuxuu doono ka noqon karo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.
Su’aal laga sii waydiiyay in wax xidhiidh ah ay ka yeesheen mustaqbalka siyaasaddeed ee Axmed Cabdi Xaabsade, waxa uu ku jawaabay; “Maya ee anagu xidhiidhkaa ma hayno. Xidhiidh saaxiibtinimo oo gaar ah mooyee xidhiidh siyaasaddeed nama dhexmarin, markii aanu is aragnayna waxaanu ku nidhi waxa muhiim ah in marka hore la dejiyo degaanka Laascaanood, lana midooyo dadka degaankaa degen, ta asxaabtuna noqotaa talaabada labaad ee la qaadayo. Waqtigaa aanu is aragnay dantaa guud uun baanu ka wada hadalay, laakiin arrimo khaas ah iyo xisbiga ku soo biir kamaanu wadahadal.”
Xisbiga UCID ilaa hadda muu shaacin xubin Guddoomiye Faysal ku wehelin doonta tartanka doorashada Madaxtooyada, isla markaana waxa jiray tibaaxo hore u soo baxay oo sheegayay in hogaanka xisbigu ishaa-falataynayo xubinta KULMIYE u sharaxo Madaxweyne Ku-xigeenka. Sidaa darteed, maadaama ay haatan taasi dhammaatay, kumuu noqon doonaa ku-xigeenka Faysal Cali Waraabe.? “Anagu liis baanu haynaa. Dhowr qof oo qiimo leh ayaanu haynaa. Markaa waxaanu sugaynay in qoladan KULMIYE degto, si dhakhso ahna Inshaa Allaahu waxaanu jecelahay in qof khayr soo saaro, oo anagu tartan siin mayn oo heshiis baanu ku samaynaa, waana in mabda jiraaye waxaanu ka horeysiinaynaa wada-tashi. Waxa weeye; kow in Somaliland midnimadeeda la adkeeyo, ta labaadna waa in qofku yahay qof taageero haysta oo sharaf leh iyo ta saddexaad oo ah inuu aqoon leeyahay. Markaa arrimahaa ayaanu ku dooranaynaa, haddii Alle idmo waxaanu jecelahay in aanu si dhakhso ah u dhammayno inta aanay gaadhin bisha December,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Dhinaca kale, Guddomiyaha xisbiga UCID waxa aanu wax ka waydiinay warar sheegaya in dawladda Sacuudi Arabiya u diiday dal-ku-galka uu ku tegi Cimrada, isla markaana uu kasoo noqday Imaaraadka Carabta. “Maya waxba layma diidine, waxay ahayd Fiisaha lay soo diray in laygu soo hagaajiyo Jabuuti ama Addi-Ababa. Laakiin, anigaa dalbaday in lay soo dhigo Dubai, Ciqaamadna kuma lihi Dubai. Markaa intaas uun bay ahayd ee wax dhibaato ahi ma jirto,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxaanu tilmaamay inuu ka baaqsaday ku talogalkiisii ahaa gudashada Cimrada sannadkan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland