![]() |
| Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa |
Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Mareykanka, Ruushka iyo NATO ay sharci darro ku joogaan Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Maraakiibtaas leh in ay ka baxaan Xeebaha Soomaaliya.
“Kama soo horjeedno Maraakiibta iyo Ciidamada ay leeyihiin Mareykanka, Ruushka iyo Ciidamo-ku-sheegga NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, balse waxa aan ku heysanno ayaa waxay tahay in aysan ogolaasho ka heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Prof. Dalxa.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in ilaalinta Xeebaha Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in haddii wax laga qabanayo Burcad Badeedka in ay tahay in Dowladda lagu gacan-siiyo sidii ay Ciidamo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya u sameysan lahayd.
“Lama garanayo inta ay Ciidamadan joogayaan Xeebaha Soomaaliya iyo waxa ay sameynayaan, waxay ku lug yeelan karaan kalluumeysi sharci darro ah, marka waa in ay nala tashadaan inta aysan bilaabin howlgalka ilaalinta Xeebaha Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalka uu sii daayay Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacayay qaraar ogolaanayay in Xeebaha Soomaaliya loo diro Ciidamo la dagaallama Kooxo Burcad Badeed ah oo ka dilaacay, waxaana xusid mudan in UN-ka uu masruufo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
