Sabti, October 18, 2008(HOL): Dagaallo soo noq-noqday oo dhowr jeer ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen in ay xirmaan goobo ganacsi, goobo caafimaad iyo kuwo Waxbarasho oo halkaas ku yaala.
Isgoyska KM4 oo dhismooyinka ku xeeran ay fariisimo ka sameysteen Qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday mid ay mar kasta weerar ku qaadaan Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya, taasina waxay keentay in Isgoyskaas iyo nawaaxigiisa lagu kala guuro bacdamaa uu aag dagaal noqday.
Waxaa ku yaalla Isgoyskaas Dugsiyo Waxbarasho oo aan ka xusi karno Ma’muur, SYL, Sohdec, Hoyga Xamar iyo Jaamacadaha Muqdisho iyo Xamar, sidoo kalena waxaa ku yaala Goobo Caafimaad oo iyana kala ah Rugta Caafimaadka Xanaano, Isbitaalka Banaadir, Isbitaalka Dhimirka Xabeeb, Isbitaalka Daaru-shifaa iyo kuwo kale, halka ay iyana dagaalladaas Isgoskaas ka dhaca saameeyeen goobo ganacsi oo aan ka xusi karno Hotellada Naasa-hablood, Saxafi, Happy, Ambassador, Xarunta DHL, Maqaayada Fatxi iyo goobo kale oo ganacsi oo Isgoyskaas ku yaala.
Goobahan ay Dagaallada saameeyeen ee isugu jira kuwa waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga ayaa waxay badankood Isgoyska KM4 ka sameysteen dhawaan kadib markii deegaannadii ay ku yaalleen ay noqdeen goobo dagaal, waxayna haatan u muuqataa rajadooda ganacsi mid mugdi ku jirta, waayo waxaa dhowr jeer oo isu dhow dhow Isgoyskaas ka dhacay Dagaallo xooggan oo khasaarooyin kala duwan sababay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia