Shir looga hadlayo Hirgelinta Heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Jibouti oo Sweden ka dhacaya

Cabirka Farta

Sabti, October 18, 2008(HOL): Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden ayaa 21-ka bishan waxaa ka dhacaya Shir looga hadlayo sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii ay Jibouti ku gaareen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Shirkan oo ay wadajir u soo qaban-qaabiyeen Golaha Soomaalida Sweden, Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Madasha Soomaalida Qurba-joogta ayaa waxaa ka qeybgeli doona xubno ka socda Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoryenta, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Sweden.


Xubnaha Shirkan lagu casuumay ayaa waxay kala yihiin:

Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo Qaramada Midoobay ka socda
Marika Fahlen oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden
Axmed C/salaam Xaaji Aadan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya
C/raxmaan Jinaqow oo ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
Prof. C/raxmaan Ibbi oo ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

Sida ay HOL u sheegeen qabanqaabiyayaasha shirkan waxaa qorshuhu yahay in shirka looga wada hadlo hirgelinta Heshiiskii Jibouti iyo dhab ahaan waxa hor-taagan in uu hirgalo, iyadoo xubnaha ka qeybgelaya ay si weyn isula gorfeyn doonaan sida uu xalka Soomaaliya ku imaan karo, isla markaana loo joojin lahaa dagaallada socda, Ciidamada Itoobiyana ay dalka Soomaaliya uga bixi lahaayeen.

Shirkan looga hadlayo waxyabaha hor-taagan in uu hirgalo heshiiskii Jibouti iyo sida loo hirgelin karo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 25-ka bishan ay Jibouti ka bilaabanayaan wejigii seddexaad ee wada hadallo dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo tan iyo bishii June ee sanadkan wada hadallo ku lahaa Dalka Jibouti.

Ugu dambeyntiina, Shirkan ayaa wuxuu ka dhici doonaa  21-ka bishan saacadda marka ay tahay 17:30 ilaa 21:00pm Magaalada  Stockholm, gaar ahaan Malmskillnadsgatan 46. Station: T- Höterget, Sergelgatan/Malmskillnadsgatan 46, iyadoo qofkii daneynaya in uu ka qeybgalaya uu la xiriiri karo [email protected] or +46739059883, +46707103115, 0708402843.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia