Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku adkeysanaya in uu saxsan yahay Go’aan uu Baarlamaanka ku gaaray in aan shaqada lagu soo celin Wasiirro is-casilay

Cabirka Farta

Sabti, October 18, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu ku adkeystay in uu saxan yahay  go’aan uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin Wasiirro is-casilay.
 
Shiikh Aadan Madoobe oo  wax laga weydiiyay in go’aankii Baarlamaanka ay ka hor-timid Maxkamadda sare ee Dalka, isla markaana ay go’aamisay in Wasiirradaas shaqadooda sii wadan karaan ayaa wuxuu sheegay in ay nidaam ahaan jirto Maxkamadda sare, balse uu ogaa iyadoo uu xiran yahay Guddoomiyihii Maxkamadda sare, kadibna aan la sameynin guddoon ay  Maxkamadda leedahay.

“Go’aanka uu Baarlamaanka gaaray ma ahayn mid u baahnaa in  Maxkamad ka hadasho waayo maba ahayn ma la isku qabsaday, mana ahayn qodobo is-dul saaran”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo ku cel celiyay in go’aankii Baarlamaanka uu ahaa mid kooram buuxa lagu gaaray oo ansax ahaa.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa lagu sheegay in go’aan uu dhawaan gaaray Baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsanaa in aan la soo celin Wasiirro iska casilay Xukuumadda Federaalka uu ahaa mid aan sharci ahayn, waxayna Maxkamadda go’aamisay in Wasiirradaas ay weli wasiirro yihiin, bacdamaa aaney is-casilaaddooda aqbalin Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waa sida ku qoran Qoraalka Maxkamadda sare ka soo baxay.

Wasiirradan uu muran ka taagan yahay in ay ku soo noqdaan Xukuumadda Federaalka ayaa waxay is-casileen xiligii uu taagnaa khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde,  waxayna is-casilaaddooda ku sababeeyeen in ay wax ka qaban waayeen Xaaladda uu dalka ku sugan yahay, waana taas tan uu u cuskanayo Baarlamaanka oo uu leeyahay shaqadooda kuma soo noqon karaan Wasiirro isu casilay in aysan waxba qaban karin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia