Sabti, October 18, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Major Bridgye Bo-huko ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fal shalay dad ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho looga reebay Diyaaradihii ay raaci lahaayeen.
Afhayeenka ayaa sheegay in dadka duulimaadyada laga reebay ay ku jireen kuwo xanuunsanayay oo la doonayay in dibadda lagu soo daweeyo, wuxuuna sheegay in uu falkaas ahaa mid aaney naxariis ku jirin.
Major Bridgye Bo-huko waxa uu sheegay in dadkaasi ay mudnaayeen in loo naxariisto, isla markaana loo ogolaado inay dhoofaan, bacdamaa sida uu yiri ay arrimo caafimaad u socdeen.
Dadka laga reebay duulimaadyadii shalay ayaa la sheegay in ay wateen Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in ay mamnuucday ku dhoofitaankiisa, isla markaana ay kaliya Muqdisho ka dhoofi karaan Dadka wata Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma jiro ilaa iyo hataan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dadkii shalay laga reebay duulimaadyadii ay raaci lahaayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia