Maamulka Puntland oo ku baaqay in Shuruud la’ aan lagu sii daayo Dooni Nooca Xamuulka ah oo af-duub loogu haysto Xeebaha Degmada Baar-gaal

Cabirka Farta

Sabti, October 18, 2008(HOL) - Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in la sii daayo Dooni Nooca Xamuulka Qaada ah ,taasi oo labo maalin ka hor ay kooxo Burcad Badeed ah la yimaadeen Xeebaha Degmada Baar-gaal, iyagoo ka soo af-duubtay xeebaha  Gacanka Cadmeed.

Doontaan oo la sheegay in ay ka soo shiraacatay Dalka India ayaa wada Sonkor aad u farobadan ,waxaana ay ku Wajahaneyd  xiligii la af-duubanayay Dekedda Magaalada Bar Bara ee Maamulka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Puntland C/Samad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa ku baaqay in si Shuruud la’aan ah loo sii daayo Doonidaasi oo maalintii seddexaad gacanta ugu jirta Kooxo Burcad Badeed Soomaalia ah.

"Maamulka Puntland waxaa uu diyaar u yahay Xaalufinta Burcad Badeedka, umana dul-qaadaneyno in Xeebaheena af-duub lagu sameeyo"sidaas waxaa yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland.

Doonidaan la haysto oo uu mas’uul ka yahay Ganacsade Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolada Puntland ayaa af-duubkeeda uu imaanayaa xili Burcad badeedku ay aad ugu soo badanayaan xeebaha Gacanka Cadmeed.

Lama Oga tallaabada uu ka qaadan doono Maamulka Puntland kooxaha Burcadda ah ee afduubka u haysata Doonidaasi, waxaana af-duubkeeda uu qayb ka yahay af-duubyada ka dhacaya xeebaha Gacanka Cadmeed.

Maamulka Puntland oo horay ugu guulaystay dhawr Hawlgal oo uu ka fuliyay Badda iyo Berrigaba ayaa iminka u hanqal taagaya soo furashada Maraakiibta kale ee af-duubka loogu haysto Xeebaha Puntland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia