Khamiis, October 16, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo saacado socday, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoysyada KM4 iyo Taleex ee Degmada Hodan, waxaana inta la xaqiijiyay uu geystay dagaalkaas dhimashada shan ruux oo isugu jiray Dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay iyo dhaawaca 10 ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Dagaalka ayaa hadda wuxuu u muuqdaa mid sii qaboobaya, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom ee ku sugan Isgoyska KM4 iyo nawaaxigiisa.
Dagaalkan oo socday saacado badan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay isu socodkii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee goobaha u dhow Isgoyska KM4, waxaana garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku xayirmay Dad badan oo garoonka saaka ku soo degay iyo kuwo kale oo sagootiyay Dad Ehelladooda ah oo saaka dhoofayay.
Isgoyska KM4 oo dhismayaasha ku yaala dhamaantood ay saaran yihiin Ciidamada Amisom ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaallo la mid ah midkii maanta dhacay, waxayna dagaalladaas bilowdaan kadib marka ay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada shisheeye ay weeraraan fariisinkaas.
Ugu dambeyntiina, Isgoyska KM4 ayaa wuxuu kala qeybiyaa Waddooyin maritaankooda uu muhiim u yahay Madaxda Dowladda iyo Ciidamada Ajnabiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena ay ku taallo waddo loo maro Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loo isticmaalo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia