Waa sidee Xaalada Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan kadib markii dhawaan la dilay Gudoomiyahoodii?

Cabirka Farta
Khamiis, October 16, 2008(HOL):  Marka laga soo tago Maamulladii is-daba jooga ahaa ee soo maray Gobalka Hiiraan haddii ay ahaan la haayeen kuwii ay soo magacaabi jirtay Dowladda Federaalka iyo kuwii ka dhashay nidaamkii Maxkamadaha intaba, Golaha Odayaashu waxaa ay haayeen kuwa iska leh talada ugu danbeysa marka la gaarayo go'aamada, ama xitaa waxaa uu ahaa Goluhu kan iska leh awoodda ugu sareysa ka hadalka arimaha dhanka iyo siyaasada intaba.
 
Xarunta uu Goluhu ku leeyahay Magaalada Beledweyne Subax kasta marka uu waagu baryo waxaa ay aheyd mid aad u mashquul badan isla markaana ay ka socdaan shir iyo kulmo lagu gorfeynayo haddaba arimaha ku soo kordha Gobalka, waxaana bilihii ugu danbeeyay Kulamadii ka dhici jiray ahaayeen kuwo looga hadlo xaaladda Nabad-gelayada iyo sidii looga samata bixi lahaa dagaal gudaha Magaalada Ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Jante-kuundisho iyo Xoogagga Maxkamadaha.
 
Shiraka iyo kulamada xiligaaa ay yeelan jireen Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan waxaa ay ahaayeen kuwo uu shir Gudoomin jiray Alle ha u naxriistee Gudoomiyihii hore ee Golaha Nabadoon Dacar Xirsi Xoosho oo 7-dii bishan kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Beledweyne.
 
Laakiin marka la eego xaaladda Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan  waa mid sidii hore ka duwan, ma jiraan shirarkii is-daba jooga ahaa ee la qaban jiray, sidoo kale waxaa meesha ka baxay kulamadii xitaa looga hadli jiray xaaaladda dadka ku dhibaateysan qeybaha Gobalka ka kooban yahay, halka dhici kalena ay yaraadeen wararkii Xubanaha Goluhu ka sii deyn jireen qalabka warbaahinta marka ay jiraan marxaladaha adag.
 
''Mid ka mid ah Xubnaha Golaha Odayaasha oo ay la hadashay HOL ayaa sheegtay in habacsanaanta ku timid dhaqdhaqaaqii Golaha la oran karo waa mid xiriri la leh falkii lagu dilay Guddoomiyihii hore Nabadoon Dacar, Waayo Xubin kasta oo Golaha ka mid ah arintaa shaki ayay ku dhalisay ayuu intaas sii daba dhigay.
 
Marka laga soo tago aamusnaanta ay galeen Xubanaha  Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan sidoo kale waxaa cadaan ah in dilkaasi uu saameyn mug leh uu ku yeeshay Xubnaha hogaanka u ah Maxkamada gacanta ku haya guud ahaan Gobalka Hiiraan kuwaas oo u muuqda in ay ku kala qeysameen sida uu falku u dhacay.
 
Dad badan ayaa is-weydiinaya waxa ay soo kordhin karaa 33 Oday oo dhawaan loo magacaabay ka soo shaqeynta Nabad-galyadda Gobalka Hiiraan, mar haddii Golahii ka koobnaa 63-ka Xubnood noqdeen kuwo Afka gacanta saartay markii la dilay Guddoomiyahoodii.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia