Khamiis, October 16, 2008(HOL): Maxmed Siyaad Axmed oo ah Maareeyaha Marista Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu dacwad ku soo oogayo Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in ay si bareer ah u toogteen wiil uu dhalay.
Maareeyaha oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uusan ka hari doonin Askartii toogtay wiilkiisa, wuxuuna sheegay in uu arrintaas la socodsiiyay mas’uuliyiinta Dowladda iyo weliba Talisyada Ciidamada.
Isniintii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii ay Ciidamada Amisom toogteen wiilkaas oo ku dhex jiray gurigiisa oo ku yaala nawaaxiga garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xili la sheegay in ay Ciidamada baaris ka wadeen halkaas kadib markii qarax miino lala beegsaday.
Maxamed Cabdi Daahir oo ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana ilaalo ahaan u joogay Guriga Maareeyaha ayaa wuxuu sheegay in ay Ciidamada Amisom ka soo toogteen wiilka oo 18 sano jir ahaa dabaq ku dhow guriga uu ku jiray, isagoo weliba caddeeyay in Ciidamada ay gurigaas ku ogaayeen Reerka Maareeyaha.
“Xabad ayay madaxa kaga dhufteen, markii aan isku daynay in aan dhaawac ahaan u qaadnana waa ay noo diideen Ciidamada Amisom”ayuu yiri Maxamed Cabdi Daahir oo sheegay in markii dambe ay dhaawaca soo qaadeen balse uu geeriyooday intii Isbitaalka loo sii waday.
Laakin Afhayeenka Ciidamada Amisom Majir Bridgye Bo-hoku oo wax laga weydiiyay eedeynta Ciidamadooda loo soo jeediyay ee ah in ay toogteen wiilka uu dhalay Maareeyaha marista Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo in ay ciidamadooda diideen in la qaado dhaawaca wiilkaas ayaa wuxuu sheegay in aysan eeddaas lahayn, wuxuuna sheegay sida uu hadalka u dhigay in ay dadka u sameeyaan howlo samafal caafimaad ah in ay dhaawac isbitaal loo wado celiyaan iska daaye.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Eedeyntan loo jeediyay Ciidamada Amisom ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo horay Ciidamada Amisom loogu eedeeyay in ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen goobo ay dad rayid ah ku sugan yihiin oo uu ku jiro Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia