Khamiis, October 16, 2008(HOL): Dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu saameyn ku yeeshay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS oo degmadaas ku yaala.
Dagaalka oo dhacay saaka aroortii ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ahaa mid xooggan oo daryanka madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay.
Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa uu saameyn ku yeeshay Isbitaalka SOS oo ay ku jiraan Bukaano isagu jira Caruur iyo Hooyooyin, kuwaasi oo laga daweynayo xanuuno kala duwan.
Qaar ka mid ah Bukaannada ayaa sheegtay in ay qeyb ka mid ah Isbitaalka ku soo dhaceen Madaafiic, inkastoo ay sheegeen in ay jirin wax bukaanada ka mid ah oo madaafiicdaas ay waxyeeleeyeen marka laga reebo in qeybta bangiga dhiigga uu bur bur soo gaaray.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay madaafiic ku dhacaan Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo madaafiic lagu duqeeyay kadib markii nawaaxiga Isbitaalka ay dagaallo ka dhaceen.
Sidoo kalena, Dagaalkii saaka ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad faro-ku-tiris ah oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, kuwaas oo markii ay madaafiicda bilaabatay u cararay Deegaannada Waxar Cadde iyo Gubadley.
Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Qardho oo u dhaxeeya Leego iyo Buur-hakaba uu dagaal ku dhexmarayo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogag hubeysan oo jidka u galay, waxayna wararku intaas ku darayaan in dagaalka oo weli socda aan la ogaan karin khasaaraha uu geystay.
Inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-hakaba ee Gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxay noqotay meel lagu weeraro Ciidamada Itoobiyaan ah ee ku sii jeeda Baydhabo iyo kuwa ka yimaada ee dhinaca Magaalada Muqdisho u socda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia