Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo la hadlay Dad ku hor-banaanbaxay guriga uu Muqdisho ka degan yahay

Cabirka Farta

Khamiis, October 16, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta wuxuu la kulmay dad banaanbax ka hor sameynayay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay.

Dadka banaanbaxa ka hor-sameynayay Guriga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxay dalbanayeen in maamulka gobolka Banaadir loogu magacaabo musharax ay taageersan yihiin, kaasi oo ah Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeennadii Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa dadkii uu la kulmay waxaa uu u sheegay in uusan awood u lahayn in uu qof u magacaabo Gobolka Banaadir, howshaasina loo saaray Guddi KMG ah oo soo diyaarin doona doorasho si xor ah loogu qabto Gobolka Banaadir.

Intaas kadib ayaa dadkii banaanbaxa dhigayay waxay isaga soo dareereen guriga Ra’iisal Wasaaraha iyagoo aan wax banaanbax ah sameynin, waxayna taasi u muuqatay in ay ka qanceen waxyaabihii ay ka banaanbaxayeen.

Waxay ahayd markii ugu horeysay oo uu Muqdisho ka dhaco banaanbax ay soo qabanqaabiyeen dad doonaya in xil loogu magacaabo mas’uul ay doonayaan, waxaana horay  u dhici jiray banaanbaxyo nabad-doon ah, kuwo roob-doon ah, kuwo cabasho ah, kuwo heshiisyo lagu taageerayo ama looga soo horjeedo, kuwo colaado looga soo horjeedo, kuwo nolol xumida looga cabanayo iyo kuwo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia