Khamiis, October 16, 2008(HOL): Dagaal culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka socdaa Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka oo madaafiic culus iyo rasaas tiro badan la isugu adeegsanayo ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxayna dadka ku sugan nawaaxiga Isgoyska KM4 ay sheegayaan in uu dagaalka khasaare ba’an geysan karo, waxayna taasi ku sababeeyeen in ay jireen madaafiic ku dhacday guryo ku yaala Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Isgoyska KM4 dagaal ka dhaco, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Igsoyskaas.
Wixii ku soo kordha dagaalkan kala soco halkan Haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia