Talaado, October 14, 2008(HOL) - Axad 2008-10-12 ay yeesheen gudiga , odayada marjaca iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ee dalka Sweden ayaa bayaan ka soo saaray dilka nabadoon Dacar Xersi Xooshow.
Anagoo ku hadleyna dhamaan jaalida reer Hiiraan ee sweden ayaan marka hore tacsi u direynaa qooskii uu ka tegay Nabadoon Dacar xirsi xoshow, waxaa isla tacsi sidaas oo kale ah u direynaa dhammaan Gudigii odayaasha ee uu madaxda u aha Allah ha u naxariistee Nabadoon dacar, waxaan leenahay sabar iyo iimaan allah naga wada siiyo. Waxaan muhiim ah in ay gudiga sii wadaan hawlihii ay umma u hayeen, ayna marnaba ka aamusin sidii dadka ay metelaan nabada iyo kala danbeyn loogu soo dabaali ahaa.
Waxaan maamulka ka jira Hiiraan oo ay maxkamadaha islaamiga aan ugu baaqeynaa in ay ka soo baxaan masuuliyada ay isi saareen, oo ah sidii ay maamul nabada iyo cadaalada, ku dheehaan tahay ugu sameyn lahaayeen goobaha ay ka taliyaan. Waxaa ugu baaqeynaa in ay gacanta ku soo dhigaan dadka ku caan bahay in ay ugaarsadaan dhiiga dadka bulshada dhexdiisa qiimaha iyo qadarinta ku leh.
Waxaan shacabka reer Hiiraan ugu baaqeynaa in ay ka shaqeeyaan in ayna indhaha ka qabsan dadka ayaga metela oo aqoonta iyo qiimaha badan ee ayagoo arkaa lagu hor toogto mar walba. Haddii aadan ka dhiidhin dhibka maantay taagan amaba gacantiina ku joojin, waxay noqontoontaa fidan fido oo aad xal u weysaan.
Bayaankaan waxaa diraya.
1) Hassan Abdi Camalow ( Xasan Giyaajo)
2) Abdullahi Gacal
3) Mahamed Haraay waasuge
4) Mahamed omar Xashi
5) Mahamud Sheekh qaliif
6) C/qadir Keynaan
7) Mahamed Baryare
8) Ahmed cilmi shire
9) Hirey Ahmed Roble
10) Abdiaziz Ali geedi
11) Mahmamed faarah Makaraan
12) Abdiacis Ali kadeed
13) Ali Nuur