Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka oo sharci darro ku tilmaantay go’aan uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, October 14, 2008(HOL): Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu sharci darro ahaa go’aan uu dhawaan gaaray Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo uu ku diidanaa in xilalkoodii loo soo celiyo wasiirro iska casilay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub-sireed oo qoraalka Maxkamadda sare Saxaafadda ugu aqrinayay Xarunta Madaxtooyada ayaa wuxuu sheegay in maxkamadda sare oo sida uu yiri daraasaad sharciyeed ku sameysay qoraallo ay is-dhaafsadeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ay ugu dambeyntii soo saartay go’aan ay labada dhinac ku kala saareyso.

Xuub-sireed waxaa uu sheegay in Maxkamadda sare ay u aragto go’aankii baarlamaanka mid aan sharci ahayn, wuxuuna caddeeyay in 10 wasiir iyo 3 wasiir ku xigeen oo xilalkii ay hayeen iska casileen ay xilalkoodii hayaan bacdamaa sida uu yiri aysan aqbalin Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo iyagu leh aqbalaadda ama diidmada is-casilaadda Wasiirradaas.

Wasiirrada is-casilay ayaa waxay is-casilaaddooda timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyagoo xiliga ay is-casilayeen-na la safnaa Madaxweyne Yuusuf.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la sheegayo in ay kala saareyso Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaaney lahayn Guddoomiye, waxaana la xusuusan yahay in Guddoomiyihii Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun xabsiga la dhigay, kadibna isagoo xabsiga ku jira laga qaaday xilkii Guddoomiyenimada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia