Talaado, October 14, 2008(HOL): War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka Bari ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay awood ku soo furteen Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo ay maalmo ka hor af-duubteen Kooxo Burcad Badeed ah.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Puntland C/samad Yuusuf Abwaan ayaa wuxuu si hordhac ah ugu sheegay warfidiyeenada in ay Ciidamada Puntland xoog ku soo furteen markabkaas, uuna ku soo wajahan yahay Dekedda Boosaaso, si looga dejiyo rarka saaran oo u badan Shamiindo.
Markabkan oo u raran Shirkad ganacsi oo Barwaaqo lagu magacaabo ayaa Kooxaha af-duubtay waxay la tageen Biyaha u dhaxeeya Deegaannada Xaafuun iyo Baar-gaal ee Bad-weynta Hindiya, halkaasi oo ay uga daba-tageen Ciidamada Puntland, dabadeedna ay xoog kaga soo furteen sida wasiirka sheegay.
Dagaal dhexmaray dorraad Ciidamada Puntland iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo gaaray, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn inta uu la egyahay.
Wixii ku soo kordha soo furashada Af-duubka kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia