Talaado, October 14, 2008(HOL): Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Markabka Hubka wada ku heysta Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay waqti dheeraad ah ugu kordhiyeen Dadka iska leh Markabkaas, iyagoo horay u sheegay in haddii aan 24 saac gudahood madax furasho lagu siinin ay markabka gubi doonaan oo ay quusin doonaan.
Magaalada Kiev ee Caasimadda Dalka Ukraine, dad careysan oo ehello la ah Shaqaalaha saaran Markabka ay heystaan Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxay ka dalbadeen Dowladda Ukraine in ay lacagtaas bixiso, isla markaana aysan dib u dhigin.
Dadkani ayaa waxay sheegeen in aysan ka tegi doonin Xafiiska Madaxweynaha Ukraine Victor Yushchenko ilaa iyo inta ay Dowladda Ukraine ka ballanqaadeyso in ay bixineyso madax-furasho ay dalbanayaan kooxaha burcad badeedka ah oo dhan 20 Milyan oo Doollar.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Faina ayaa wuxuu hub isugu jira Taangiyo iyo hub kale oo fudud u wadaa Dowladda Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegayay in hubka saaran Markabkan loo waday Koofurta Suudaan.
Dowladda Kenya oo ku adkeysaneysa in ay hubkan leedahay ayaa waxay sheegtay in aan lacag madax-furasho ah laga bixin doonin hubkaas, isla markaana ay ku kalsoon tahay in tallaabo laga qaadi doono kooxaha burcad Badeedka ah.
Markabkan hubka wada ee ay heystaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ah oo soo jiitay Indhaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ilaalo ka haya Maraakiib ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska, waxaana sababta ay u ilaalinayaan lagu sheegay iyadoo laga baqayo in ay Kooxaha Burcad Badeedka ah hubka kala degaan Markabka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia