Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo dib u furantay kadib dagaallo xalay ka dhacay

Cabirka Farta

Talaado, October 14, 2008(HOL): Waxaa dib u furantay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahaan inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-hakaba oo ku xirantay dagaallo shalay gelinkii dambe ka dhacay.

Wadadan ayaa waxay xirantay kadib markii shalay gelinkii dambe weerar lagu qaaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo, iyadoo weerarkaasna uu dhaliyay dagaal xooggan oo deegaanka Kabo-hirig ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhexmaray Ciidamadaas Itoobiyaanka ah iyo Kooxihii weerarka ku qaaday.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Gaadiid isaga kala gooshayay Muqdisho iyo Baydhabo  oo shalay ku xayirmay Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Wanla-weyn ay saaka safarkooda sii wateen, halka Ciidamadii Itoobiyaanka ahaana la sheegay in ay iyana u baqooleen dhinaca Magaalada Baydhabo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Deegaannada u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay lagu weeraro Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho ku sii jeeday ama ka soo laabanayay, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay Ciidamadaas weerarro kala kulmeen Xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia