Talaado, October 14, 2008(HOL): Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka Saaxil oo ah kii ugu horeeyay ee ay ka bilaabanto, isla markaana ka socon doonta muddo 5 maalmood ah.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka mid ahaa Dadkii iska diiwaangeliyay Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil. Halkaas oo in ka badan 100 goobood ay maanta si rasmi ah uga bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashada Somaliland ka dhici doonta bisha March ee sanadka 2009.
Waa gobolkii u horeeyay ee ay Somaliland ka bilaabanto Diiwaangelintu, iyada oo ay ku xigi doonaan Gobollada Awdal iyo Hargeisa. Inkasta oo ay hore ugu gacan-saydheen ka hawl-galka arrimaha Diiwaangelinta, haddana Ardayda Jaamacadaha dalka oo ay ugu horrayso Jaamacadda Hargeysa ayaa dhammaan Goobaha Cod-bixinta ka hawlgalaya. Kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafayso 1,000 Arday.
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dhammaan Gobollada Somaliland ay si toos ah uga dhici doonto Diiwaangelinta iyo sidoo kale Doorashooyinka soo socda oo la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan Bisha March 2009.
Wixii Warar ka soo kordha Diiwangelinta Doorashooyinka Somaliland kala soco Hiiraan Online
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland