Jimco, May 30, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo maanta ay qabteen xoogag ka amar qaata maxkamadaha Islaamka la sii daayay galabta wada hadal kadib.

Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato)
Shiikh Aadan Macallin Muuse oo ah Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha ee deegaannada u dhaxeeya Leego iyo Qardho ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa sheegay in iyagoo dhufeys ugu jiray sida uu u yiri cadawga Shacabka Soomaaliyeed uu ku soo dhex dhacay Xildhibaan Cusmaan Caato, kadibna ay qabteen balse wada hadal kadib ay go’aansadeen in ay sii daayaan.
Shiikh Aadan Macallin Muuse waxaa uu intaas ku daray in ay Xildhibaanka gaarsiiyeen meel uu codsaday in ay u dhaweeyaan, meeshaasi oo uusan xusin halka ay tahay.
Xildhibaan Cusmaan Caato oo ka soo amba baxay Magaalada Baydhabo ayaa markii ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka qabanayeen waxaa uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayaa Wadada u dhaxeysa Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-hakaba ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay waxaa lagu weeraray gaadiid ay leeyihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud iyo Muuse Nuur Amiin, waxaana halkaas lagu qaatay Gaadiid uu lahaa Wasiirka Maaliyadda, iyadoo ka sii horna halkaas dhaawac fudud loogu geystay Xildhibaan Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen.
Ugu dambeyntiina, Wadada isku xirta Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-Hakaba ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayay iska hor-imaadyo dhexmarayay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo meelaha ay iska hor-imaadyadaas ka dhaceen-na ay noqdeen kuwo dadkii ku noolaa ay ka barakaceen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia