Jimco, May 30, 2008(HOL): 10 Ruux oo Rayid ah ayaa dhaawacantay kadib markii xalay Bambo Gacmeed lagu weeraray Guriga uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan C/llaahi Shaleyti oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
10-ka Ruux ee dhaawacantay ayaa waxay isugu jiraan Qoyskii Xildhibaanka iyo ilaaladiisa, iyadoo qaar ka mid ah Dadka dhaawacmay ay qabaan dhaawacyo culus, waa sida ay sheegeen Saraakiil Caafimaad oo ku sugan Isbitaalka Baydhabo.
Xildhibaanka oo markii uu Weerarkaas dhacay kadib la hadlayay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Bamka lagu soo tuuray uu dhaawac ka soo gaaray Qosykiisa iyo ilaaladiisa, isagoo sheegay in uusan aqoonin sababta keentay in Bamkaas lagu soo tuuro Gurigiisa.
Markii Weerarkaas Bambaano lagu qaaday guriga Xildhibaan C/llaahi Shaleyti ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Bay, kuwaasi oo ammaanka goobta la wareegay, isla markaana bilaabay in ay dabagal ku sameeyaan dadkii Bambada ku tuuray guriga Xildhibaanka.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira weerarro lagu qaado guryo ay degan yihiin Dad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay magaalada ka dhacayeen dilal loo geystay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo weliba qaraxyo lala beegsaday fariisimada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Bambo gacmeed xalay lagu weerary Guriga Xildhibaan C/llaahi Shaleyti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan gudaha Magaalada Baydhabo lagu daadiyay Warqado dadka loogu sheegayo in ay ka fogaadaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia