Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Jimco, May 30, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xoogagga Maxkamadaha ayaa markii ay gaareen Degmada Cadale waxay cagta mariyeen afar Isbaaro oo taalay  deegaano u dhow Degmadaas, iyagoo gacan ku dhigay qaar ka mid ah Kooxihii Isbaarada u tiilay.

Sidoo kalena, Saraakiisha hor-kaceysa Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay kulamo la qaateen Dadka ku dhaqan Degmada Cadale, waxayna kula taliyeen in ay sameystaan maamul ay iyaga soo doorteen iyo Ciidamo Madani ah oo Ammaanka u suga.

Maamulkii ka talinayay Degmada Cadale ayaa la sheegay in markii uu maqlay in ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Maxkamadaha ay isaga baxeen Degmada, iyadoo la soo sheegayo in Guddoomiyihii Degmada iyo xubno la socda oo maamulkiisa ka tirsan ay haatan ku sugan yihiin Tuulo ka tirsan Degmada Cadale, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in maamulka uu gobolkaba isaga baxay.

Degmada Cadale oo ka mid ah Degmooyinka Xeebta ku yaala, isla markaana hoos-tagta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay noqoneysaa Degmadii afaraad oo ka tirsan Gobolkaas oo ay la wareegaan Maxkamadaha Islaamka, waxayna horay ula soo wareegeen Degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Balcad.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ayaa Degmooyinka iyo Deegaannada ay gacan ku heyntooda la wareegaan waxay ku wareejiyaan Dadka Deegaanka, inkastoo ay dusha ka ilaaliyaan, isla markaana ay u yimaadaan marka ay la kulmaan wax lid ku ah Ammaankooda sida Kooxaha Burcadda ah oo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia