Hub iyo Rasaas Ciidamada Itoobiyaanku ay ka heleen Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne

Jimco, May 30, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya oo Maalmihii aynu soo dhaafnay baaritaano culus ka waday qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne ayaa xalay howlgalo ay ka sameeyeen Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne waxaa ay ku soo qab-qabteen Hub iyo Rasaas la sheegay in ku jireen Goobo Ganacsi oo gaar loo leeyahay.
 
Hubka la qabtay oo u badnaa Rasaasta Qoriga Huubiyaha ah  ayaa sidoo kale waxaa ay Ciidamadu ku kaxeeyeen rag ilaalo ka ahaa Goobaha Ganacsi ee la baaray, Inkastoo markii danbe Ciidamadu iska sii daayeen raga la qab qabtay.
 
Saakay Waabarigii ayeey sidoo kale Ciidamada Itoobiya ka soo saareen Bartamaha Magaalada Beledweyne Miino sida la sheegay la doonayay in lagu weeraro Gaariga Biyaha u qaada Ciidamada ku sugan Jante-kuudisho kaa oo subax walba ku soo jarmaada Magaalada.
 
Howl-galka Ciidamada Itoobiya oo u muuqda mid sii xoogeysanaya ayaa sidoo kale waxaa bar bar socda kulamo iyo shirir Saraakiisha  Itoobiyaanku la leeyihiin Mas'uuliyiinta Sare sare ee Maamulka Gobalka Hiiraan kuwaa oo lagaga arinsanayo sida laga yeelayo amaanka Magaalada marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya.
 
dhinaca kale waxaa maalintii shalay ka baxsaday Ciidamada Itoobiya C/wali Cilmi Xaanshi oo in mudo ah ku xirnaa deegaanka Jante-kuundisho kadib markii uu ku wargaliyay Ciidamada Itoobiyaanka in uu soo tusayo saldhiga ugu weyn ee sida uu hadalka u dhigay Magaalada Beledweyne ku leeyihiin kooxaha ka soo horjeeda, lakiin C/wali ayaa markii danbe ka baxsaday Ciidamada isaga oo isku tuuray Biyaha Wabiga Shabeele taasoo keentay in siweyn Ciidamadu u baraan Xaafadaha Magaalada Beledweyne.
 
Sikastaba waxaa soo baxaya shaki iyo cabsi Ciidamadu ka muujinayaan amaanka Magaalada, maadaama saacadihii ugu danbeeyay howl-galo ay sameeyeen Ciidamadu ay ku soo heleen Hub iyo Rasaas waliba loo adeegsado Qoryaha culus sida Hoobiyaha oo ay rumeysan yihiin Ciidamada Itoobiyaanku in ay adeegsadaan kooxaha ka soo horjeeda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia