Jimco, May 30, 2008(HOL): Bishan horaanteedii ayaa waxaa mar qura ka biloowday tuulooyin u dhow-dhow magaalada Johannesburg dil, boob iyo dhac ballaaran oo loo geystay dadka ajnabiga ah ee ka soo jeeda Qaarada Afrika, waxaana u geystay qaar ka mid ah dadka Madoowga ah ee u dhashay dalka South Africa oo ay dadkaasi la noolaayeen mudooyin badan.

Xasaradaha ka taagan Koofur Afrika oo gaaray in Dadka Nolosha lagu gubo
Arimahaan ayaa waxa ay noqdeen kuwo aad loola yaabay oo mar qura cagta la mariyay goobihii ganacsi iyo guryihii ay dadkaasi lahaayeen waliba waxaa intaasi u dheer dil iyo dhaawac iyo bara kicin.
Dhimasha ayaa waxa ay gaartay in ka badan 45 ruux oo badankoodu kasoo jeeda dalka Zimbabwe waayo iyaga ayaa u badnaa meelaha ay rabshaduhu ka biloowdeen oo ay ugu weyntahay tuulada Alexandra oo ay iyada kaliya ku dhibteen ilaa 30 ruux dadkan ayaa dilkooda loo adeeysaday baangado,faashash,mindiyo, garuuman, dhagxaan iyo wax kasta oo ay gacanta ku haysteen dadka wax soo weeraray, waxaa intaasi daba socday dhalooyin ay ka buuxaan baziin oo lagu tuurayay kadibna dab la qabadsiinayay markii lagala baxo wax kasta oo nacfi leh, dadka qaar ayaaba u dhintay dab iyaga la qabadsiiyay kadib markii la dhaawacay oo iyagoo dhulka yaala la ’ iskugu daray baziin iyo taraq sidaasna ay ku nafwaayeen halka qaar iyagoo gubanaya la damiyay oo laga wada daawaday taleefishinada caalamka.
Waxaa lala yaabay sabata keentay in dadka madoowga ah ee dalka koofur afrika ay mar qura sidan u wada kacaan, balse waxa ay ku andacoonayaan in dadkani ay shaqooyinkoodii iyo ganacsigoodii ay la wareegeen oo ay ku shaqeeynayaan mishaarado jaban halka qofka south afrikanka ahi uu doonayo lacag badan oo labalaab ka badan inta qofka ajnabiga ahi ku shaqeeyo, Balse taasi marmarsiiyo wey noqon weeyday oo dood ayaa ka jirtay in mudo ah waayo dadka soo galootiga ahina waxa ay ku doodayeen in ay si sharci ah ku joogaan dalka oo loo aqoonsasaday qaxootinimo halka qaar kalena ay yihiin kuwo kusoo galay baasabooro sharci ah kadibna qaatay dagnaanshaha wadankan halka qaar kalena ay noqdeen wadaniyiin iyagoo mudo badan wadanka ku noolaa oo xaq u yeeshay in ay qaataan sharciga wadanka, raga qaar ka mid ahina waxa ay guursadeen dumar koofur afrikaan ah oo ay ku qaateen ID iyo baasaboorka wadankan oo si weyn looga qadariyo qaar ka mid ah wadamada caalamka sida ingiriiska oustralia newzeland iyo wadamo kale.
Dadka Soomaalida ah ayaa iyagu ka mid ah dadka ay wax yeelada weyni ka soo gaartay waloow aanan lasoo sheegin dhimasho balse ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ganacsatada qaar ka mid ah, waxaase la dhihi karaa 70% in la dhacay ganacsigii soomaalida lana burburiyay inta badan goobihii ay ku ganacsanayeen, soomaalida ayaa ka duwan sida dadka kale ee qaxootiga ah ee dalkan ku nool waayo soomaalidu uma shaqeeyaan shirkadaha ka shaqeeya wadankan amaba wax xiriir ah lama laha is dhex galka dadka madoowga ah, oo maba jirto in raga soomaaliyeed ay guursadaan dumarka wadankan si ay sharci ugu helaan, dumarka soomaaliyeedna ma guursadaan iyaguna raga south afrikaanka ah, Balse su ’ aasha ayaa waxa ay tahay maxaa sidan loogu bartilmaameedsaday oo loo burburiyay hantidoodii?

Rabshad-wadayaal
Soomaalida ayaa horayba waxa loogu hayay dil iyo dhac joogto ah balse sidan oo kale wali kuma dhicin, dilalkii hore loogu geysanjiray ayaa waxa ay ahaayeen kuwo mar-mar dhaca balse an horay waxba looga qaban oo maba jirto cid loo soo xiray amaba maxkamad loo soo taagay dambiyada Soomaalida laga galay, waayo waxaa dabagal ah oo sidaasi u balaaran laguma sameeyo, sabata oo ah wadankaan waxaa ka jira looyaro amaqareeno u dooda qof kasta xitaa hadii uu dambiile yahay oo uu dilay dad badan, waxaa kaliya oo shaqeeynaya waa lacag aqoon iyo waqti dheeraad ah oo aad u hurtaa si aad xubintaada u dhacsato xitaa hadii lagaa gardaranyahay, Soomaaliduna halkaan kuma hayaan qareeno ay leeyihiin oo qareenku waa south afrikaan kan iyaga dilaya oo dhacayana waa south afrikan, tan kale maba hayaan waqti ay ku bixiyaan daba galka kiisaska ay qortaan, oo ninkii iyaga dambi u geystay maxkamad ayaa la keenayaa hadii la waayo qofkii la doodi lahaa qareenka dambiilahana waa la ’ iska deynayaa.
Tan hada ka taagan wadanka oo dadkii badankooda la dhacay ayaa iyaduna ah mid la yaab iyo murugo leh soomaalidu iyagoo shaqeeysanayay ayeeyba dhibaato heeysatay hada oo la dhacay ayaaba ka daran, waxaa lagu xareeyay xerooyin militiri booliis masaajido kaniisado iyo goobo kale oo ku meel gaar ah meel ay wax ka bilaabaan ayey la ’ yihiin oo wiilal gabdho hooyooyin iyo caruurba teendhooyin ayeey ku jiraan xiligaan oo uu dhacaayo qaboow daran, sidaasoo ay tahay ayeey kala qabaan fikrado kala duwan qaar waxa ay leeyihiin dalkeenii hanaloo celiyo qaar waxa ay leeyihiin wadamo kale hanaloo dhoofiyo qaarna waxa ay leeyihiin ganacsiyadeenii ayaan ku laabaneeynaa hadii la sugo amaankeena, waxaa jira hey ’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn oo ka caawinaya cuntooyin, dawooyin iyo waxyaabo ay u isticmalayaan jiifka sida bustooyinka iyo joodariyaasha iyo waliba musqulaha dag-daga ah kuwaasoo an gabi ahaan ku filneyn, waxaa intaasi dheer dadaalo ay wadaan dad soomaali ah oo is xilqaamay sida jaaliyadaha ganacsatada kuwooda badbaaday laakiin wali cabsanaya, culimada dhalinyaro dadkaasoo dhami waxa ay ka caawinayaan sidii ay dadkaasi uga caawin lahaayeen kala xaajoodka arimaha qaxootiga dhinaca dowlada iyo ururada kale ee caawinaya, dowladu ilaa iyo hada waxa ay ku adkeeysaneeysaa in dadkani ay ku laaban doonaan goobahoodii ganacsi amaanoodana la sugi doono oo ay dib u shaqeeysan doonaan balse sidee soomaalidu ku aamini doonaan balanqaadkaasi? waayo indhahooda ayaa waxa ay soo arkeen waxyaabo ay la yaabeen oo ciidamadii booliska oo taagan ayaa lagu hor boobay, oo waxa ay is weeydiinayaan yaa amaankooda sugaya? iyada oo ay intaasi jirto oo soomaalida badankoodu ay door bidayaan in ay wadankan iskaga cararaan ayaa hadana waxa jira kuwo hor leh oo waliba aad u badan in ay wadanka soo galayaan oo ay isdhiibiyaan oo sharci lasiinayo, xaalada nololeed ayaa kusoo adkaaneeysa soomaalida wadankaan waayo ma jirto meel ay u noqdaan oo wadankoodii dhibaatooyin dagaal iyo shaqo la’aaneed ayaa ka taagan mana garanayaan meel kale oo aay aadaan dowlad u hadashaahina ma jirto oo ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin inta la ogyahay dowlada ku meel gaarka ah oo sida dadka halakan ku dhibaateeysan ay sheegeen iyaduba aan wax war ah ka heynin inta badan gudaha wadankeeda oo uun ay ku warhelayaan iyadoo la duqeeyay oo ay idaacadaha ka maqlayaan iyadoo gantaalo lala dhacay, si kastaba ha ahaatee xaalku hada waa uu daganyahay oo ma jiraan boob kale waayo wax harayba ma jiraan oo goobihii ganacsi ee ku yaalay tuulooyinka ay madoowgu daganayeen waa la xaalufiyay, lama garanayo in hadii lagu laabto hadana ay tii oo kale dhici doonto balse loo joogee.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town South Africa