Maxamed Dheere oo soo dhaweeyay in Gobolka Banaadir loo dhiso maamul ay soo doorteen Dadka Deegaanka

Jimco, May 30, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu soo dhaweeyay go’aan shalay ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegayay in Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose loo sameeyo maamullo ay dadka deegaanka soo doorteen.

“Haddii gobolka Banaadir loo sameynayo maamul ay dadka degan soo dooranayaan annaga waxba kama qabno, dadkeynana kalsooni ayaan ku qabnaa, arintaasna waxay ahayd mid aan in muddo ah raadineynay”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in maamullada dalka loo dhisayo ay tahay in soo doortaan dadka deegaanka, “Dalku waa federaal Gobol walbana waxaa sharci ah inay dadkiisa soo doortaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu ka hadlay khilaaf la sheegayay muddooyinkan in uu ku kala dhex jiray mas’uuliyiinta sare ee maamulka, wuxuuna sheegay in uu khilaafkaas jiray balse uu ahaa mid ka dhashay in wax la wanaajiyo.

“Khilaafkaas hadda waa dhamaaday, mas’uuliyiinta Gobolkana waxay u  wada shaqeynayaan sidii hore, khilaafkaasna ma ahayn mid wax duminayay ee wuxuu ahaa mid wax lagu saxayay”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Gobolka uu yahay midka ugu khilaafka yar Gobollada kale ee Dalka.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere ayaa mar sii horeysay waxaa uu ka soo horjeestay hadal uu warbaahinta ka sheegay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan, kaasi oo ahaa in gobollada dalka loo sameynayo maamullo ay dadka deegaanka soo doorteen, iyadoo maamullada la sameynayo-na uu ugu horeeyo midka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia