Arbaco, May 28, 2008(HOL): Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay dacweynayaan TV-ga Channel4 iyo Wargeyska Daily Mail ee fadhigoodu yahay dalka Britain.

Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed)
Xuseen Xuub-sireed waxaa uu sheegay in labadaas Hay’adood ay u af-lagaado u geysteen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku jiro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isla markaana ay si aan sharci ahayn u farageliyeen nolosha Qoysaska Mas’uuliyiintaas oo ku nool Dalka Britain.
“Haddaba Xukuumad Britain oo lagu yaqaano in ay ku dhaqanto Dimoqraadiyad ku saleysan Caddaalad ijtimaaci ah waxaan u gudbin doonnaa Dowlad ahaan Dacwad lid ku ah Wariyayaashaas Channel4 iyo Daily Mail ficillada ay sameeyeen”ayuu yiri Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed).
Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in labadaas Hay’adood aysan u shaqeynin qaabka saxaafadda anshaxa ku dhaqanta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in warbixinta ay baahiyeen Channel4 iyo Daily Mail ay ahaayeen kuwo ujeeddo gaar ah laga lahaa.
Halkan ka dhegeyso Hadalka Afhayeenka
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Wargeyska Daily Mail iyo TV-ga Channel4 ay sii daayeen warbixin ay cinwaan uga dhigeen Hoggaamiye Kooxeedyo nala degan (Warlords Next Door), taasi oo ay ka soo muuqdeen sawirrada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Xildhibaan Maxamed Maxmuud Guuleed (Gacma-Dheere), Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish iyo Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Axmed Xaashi Taajir.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayay Warbixintu sheegeysaa in sanadkii 1996-kii dalka Ingiriiska lagu badbaadiyay naftiisa, isla markaana looga bedelay Beerka, uuna ku tallaalan yahay Beerka Wiil British ah, halka seddexda mas’uul ee kalena ay Warbixinta sheegeyso in ay Caruurtooda iyo Qoysaskooda ay nolol wanaagsan ku heystaan dalka Britain, iyagana ay gudaha Soomaaliya dhibaatootin ka wadaan.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa wuxuu beeniyay eedeynta loo jeediyay oo ahayd in uu raashin mucaawino ah ka hor istaagay dad u baahnaa oo loo qeybin lahaa, isagoo xiligaasna ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Gacma-dheere waa uu beeniyay eedeyntaas wuxuuna sheegay in raashinkaas uu joojiyay uu ahaa mid dhacay oo ay Hay’adda WFP dooneysay sida uu u yiri in ay dadka ku sumeyso,“Waxay ahaayeen bilihii 4aad iyo 5aad ee sanadkii 2007 markii ay arrintaas dhacday, waxaana xiligaas ku xanuunsaday Raashin ay WFP u qeybisay Dad badan, kuwaasi oo markii aan ogaannay aan ka joojinnay”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo warbixinta lagu eedeeyay ku tilmaamay mid dagaal siyaasadeed ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia