Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka qeybgelaya Shir Caalami ah oo ka dhacaya Dalka Jarmalka

Arbaco, May 28, 2008(HOL): Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku sii jeedaa Dalka Jarmal oo uu ka dhacayo shir Caalami ah oo lagu soo hadal-qaadi doono Arrimaha Soomaaliya.

Xoghayaha Qorsheynta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ayaa wuxuu sheegay in shirkaas markii hore lagu casuumay Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed hayeeshee uusan shirkaas ka qeybgeli karin.

“Shirkaas Wafdi aan Aniga ka mid ahay ayaa ku metelaya Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxaana shirka ka jeedin doonnaa Warbixin aan uga hadleyno Arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna waxaan uga hadli doonnnaa tacaddiyada ay Ciidamada Itoobiya ka geysanayaan gudaha Soomaaliya, sawirro arrintaas ku saabsan-na waan soo bandhigi doonnaa”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan.

Xoghayaha Qorsheynta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Maxamuud Axmed Tarzan waxaa uu sheegay in Shirkan ka dhacaya Dalka Jarmalka uu yahay mid Caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto, isla markaana looga hadlo xasaradaha ka taagan dalal badan oo Adduunka ah oo ay Soomaaliyana ka mid tahay.

Waxaa jira warar sheegaya in uu Shirkaas ka qeybgeli doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen, kaasi oo ay Dowladdiisa Dalka Soomaaliya ka joogaan Ciidamo badan oo joogitaankooda ay sii kordhiyeen dhibaatooyinkii nabad la’aaneed ee ka taagnaa Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia