Arbaco, May 28, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxay sheegayaan in guddi 3 xubnood ka kooban oo Isbaheysiga dhexdiisa ah loo magacaabay in ay isu soo dhaweeyaan oo ay heshiisiiyaan dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Maxamed Saalax Garyare oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shir labo maalmood uga socday Magaalada Asmara ay ku magacaabeen guddi seddex xubnood oo Odayaal ah ka kooban, kuwaasi oo Dalka Jibouti ugu tegi doona Guddoomiyayaasha labada Gole ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Maxamed Suldaan Garyare waxaa uu intaas ku daray in lagu guuleysan doono in la soo af-jaro khilaafka u dhaxeeya Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in aaney jirin wax gaar ah oo ay isku hayaan Xubnaha Isbaheysiga, marka laga reebo Qodobo ka tirsan Axdiga u degsan oo la isku qabtay.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa kale oo uu sheegay in ay shirkooda ku magacaabeen guddiyo qaabilsan Saxaafadda, Arrimaha Xiriirka Dibadda iyo Qabanqaabinta kalfadhiga labaad ee Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Guddigan oo laga soo magacaabay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxaa la filayaa in ay tagaan Dalka Jibouti, kadibna ay la kulmaan madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo haatan lagu soo waramayo in ay booqasho ku joogaan Dalka Yemen.
Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu isku khilaafay ka qeybgalka wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo wada hadalladaas ay raali ka yihiin mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, halka ay ka soo horjeedaan ku xigeennada mas’uuliyiintaas oo kala ah Xuseen Caydiid, Jen. Jaamac Maxamed Qaalib iyo Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu wada hadalladaas sidoo kale ka soo horjeestay Shiikh Xasan Daahir Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Maxkamadaha Isalamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia