Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in la xaliyay khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Maamulka

Arbaco, May 28, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in la xaliyay khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka, haatanna ay si caadi ah u wataan howlahoodii.

Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/rashiid Ibraahim ayaa wuxuu sheegay in maanta ay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir shir ku wada yeesheen Xarunta Maamulka, isagoo xusay in uu shirkaasina shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu intaas ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay mas’uuliyiinta Gobolka u wada shaqeynayaan sidii ay horay ugu wada shaqeynayeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la dardargelin doono Howlaha Maamulka Gobolka.

Hadalka uu sii daayay Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar ku saabsan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya mas’uuliyiinta sare ee maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay labo qeybood u kala jabeen Mas’uuliyiintaas, inkastoo aanu ilaa iyo haatan jirin mas’uul si cad u sheegay inuu khilaafkaas jiro.

Dhanka kalena, Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu beeniyay in hadal ay sii daayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ahaa  in Samafalayaal u shaqeynayay Hay’adda CINS oo laga af-duubtay Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose lala aaday Dhinaca Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay Agaasimaha in uu warkaas yahay mid aaney waxba ka jirin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia