
Arbaco, May 28, 2008(HOL): Marka la eego dhibaatada ugu daran ee heysta Caruurta Qoysaska soo maciin baday Xeryaha dadka soo barakacay ee Gobalka Hiiraan waxaa la oran karaa waa tan Waxbarashada, maadaama aysan laheyn waalidiinta Caruurtaa dhaqaale ku filan oo ay ku geeyaan Dugsiyada Waxbarashada Gobalka.
Lakiin hadana waxaa jira dadaal u muuqda mid lagu kobcinayo heerka Aqoonta Caruurta dadka soo barakacay kadib markii isla Xaryaha dhaxdooda laga sameeyay Dugsiyo Macmal ah oo ay wax ka dhigaan Macaliim laftirkooda ka mid ah dadka soo barakacay taasoo ugu yaraan rajo ku abuuri karta Waalidiinta iyo xitaa Caruurta ka faa'ideysaneysa Dugsiyada noocaa oo kale ah.
Inkastoo uu jiro Mooral iyo Niyad ay hayaan Caruurtaasi waxaa dhinaca kale xusid mudan in wali dhibaatadu ka taagan tahay dhinaca helista Agabkii Wabarashada sida Buugaata ay u baahan yihiin Ardeyda oo aysan awoodin Waalidiintu in ay u iibiyaan Caruurta maadaama waxa ay soo heleen aysan ka badneyn Nolasha maalintaa oo kaliya, waana tan keentay in Xeryaha qaar ay xirmaan Dugsiyadii ka furnaa.
HOL oo siweyn ugu dhaba gashay Waxbarashada Caruurta Qoysaska soo barakacay ayaa la kulantay mid ka mid ah Dugisyada ku yaala Xeryaha Dadka soo barkacay oo ay Deeq Buugaag ah gaarsiinayaan dhalin-yaro ku mideysan Urur Magaciisa loo soo gaabiyo (SOMSADD ) kaa oo sida muuqta ka damqaday dhibaatada heysta Caruurta Barakacayaasha.
Max'ed Cabdi Dhaay oo ah Madaxa Ururka kaalmadaa bixiyaya ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in layska iloobay xaqii ay caruurtu u lahaayeen in ka helaan goobaha ay ku soo barakaceen Waxbarasho ugu yaraan wax ka tari karta heerkoodii dhinaca Aqoonta, isaga oo ku macneeyay kaalmada ay gaarsiiyeen Caruurta Qoysaska ka soo barakacay macnaheedu tahay in lagu dhiso Niyada Macalimiinta furisda Dugsiyo Waxbarasho oo laga dhax hergaliyay Xeryaha ay ku nool yihiin Qoysaska soo barakacay.
Waxaa uu dhinaca kale sheegay in looga baahan yahay hay'adaha Samafalku in ay il gaar ah ku eegaan dadaalka ay wadaan dadka soo barakacay xilli aysan jirin cid gaar ah gacan siineysa, "" Ilmuhu hadii uu waxbarto ma'aha oo kaliya in uu Naftiisa anfacayo, lakiin waxaa hubaal ah in uu wax weyn ka tarayo Mustaqbalka jiilka Bari Iman doona, ayuu yiri Max'ed Dhaay oo intaa sii raaciyay in ay xooga saari doonaan la socoshada dhibaatooyinka ka jira gudaha Xeryaha gaar ahaa Wabarashada oo tan ugu muhiimsan Nolasha Qofka bani'aadamka ah.
Waxaa siweyn u soo dhaweeyay kaalmadaa iyada ah Waalidiinta ku jirta Xeryaha dadka soo barakacay kuwaa oo sheegay deeqda Ururku soo gaasiiyay ay ka daboolay culeys weyn oo ka saarnaa dhinaca buuxinta kaalintii looga baahnaa Waalidka "" Walaahi marka Ilmo yar oo aan dhalay uu i weydiiyo Buug iyo Qalin, waxa kaliya ee aan ku fakari karo waa in aan u sheego in uu isaga haro waxbarashada mar hadii aan awoodin ayuu sheegtay mid ka mid ah haweenka ku jira Xeryaha dadka soo barakacay.
Sikastaba qiimeyta dhinaca waxbarashada ah ee jirta gudaha Gobalka Hiiraan ayaa muuqaneysa in ay tahay mid ku kala sareysa dhinaca dhaqaalaha, waayo waxaa jira caruur ku dhigta Dugsiyada Waxbarashada bishii in ka badan (180 Kun oo Sh. So. ) oo u dhigta ilaa ( 5 $ doolar ) halka qaar ka mid ah Waalidiintuna awoodi kari la yihiin in ay ka bixiyaan Caruurtooda Buuga lagu dhiganayo Dugsiga oo qiimo ahaan ku fadhiya wax ka yar ( 6000 oo Sh. So,) islamarkaana sadax jibaar ka sii yar ( 1 $ doolar) balse hadana HOL waxaa ay soo ogaatay in marka la eego jeceylka iyo xiisaha dhinaca Waxbarashadu in uu ku badan yahay Caruurta iyagu ka soo jeeda Qoysaska saboolka ah sida hada heysta Caruurta Qoysaska soo barkacay.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia