Xildhibaan Gacma-Dheere oo ka jawaabay oo warbixin ay ka faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka Britain

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere
Arbaco, May 28, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu jawaab ka bixiyay warbixin ay ka diyaariyeen isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka Britain.

Warbixintaas oo ay sii daayeen TV-ga Channel4 iyo Wargeyska Daily Mail ee dalka Britain ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), Jen. Maxamed Warsame Darwiish iyo Axmed Xaashi Taajir ay yihiin Hoggaamiye Kooxeedyo dembi galay oo la degan Dadka Ingiriiska .

Xildhibaan Gacma-dheere ayaa warbixintu ku eedeyneysaa in isagoo Wasiirka Arrimaha Gudaha ka ahaa Xukuumaddii hore ee Prof. Geeddi uu diiday in raashin mucaawino ah loo qeybiyo dad baahan, iyadoo Caruurtiisana ay nolol fiican ku heystaan Dalka Ingiriiska.

Haddaba Xildhibaanka oo eedeyntaas loo soo jeediyay ka jawaabay ayaa wuxuu sheegay in ay jirto in qoyskiisa ay ku nool yihiin Dalka Britain, balse aysan waxba ka jirin in uu raashin loo qeybin lahaa ka hor-istaagay dad baahan, “Raashinkaas wuxuu ahaa mid dhacay oo ay WFP in muddo ah  bakhaaro ku heysay waxa aan u diidayna waxay ahayd in ay dadka la siiyo cudurro ka qaadaan”ayuu yiri Xildhibaan Gacma-dheere oo carrabka ku sii adkeeyay in uu caddeymo u hayo arrintaas.

“Waxay ahayd bilihii 4aad iyo 5aad ee sanadkii 2007 markii ay arrintaas dhacday, waxaana xiligaas ku xanuunsaday Raashin ay WFP u qeybisay Dad badan, kuwaasi oo markii aan ogaannay aan ka joojinnay”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed  Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo warbixinta lagu eedeeyay ku tilmaamay mid caruurnimo ah.

Xildhibaanka oo eedeynta loo jeediyay isku sii dhinac dhigayay waxa uu si kulul u weeraray Wariyaha TV-ga Channel4 ee Warbixinta sii daayay uu yahay mid u dhaqmay qaab edeb-darro ah, “Waa edeb-darro in uu wariyaha ka hadlo Caruurteyda iyo Qoyskeyga, aniga uun buu iga hadli karaa”ayuu yiri Xildhibaanka oo u muuqday in uu aad uga carooday warbixinta uu Wariye Aidan Hartley  ka sii daayay TV-ga Channel4.

“Qoyskeyga wuxuu la mid yahay boqolaalka Qoys ee Soomaalida ah ee ku nool dalka Ingiriiska, mana jiraan wax gaar ah oo ay dheer yihiin Dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalka  Ingiriiska, weyna ku faraxsan yihiin in ay yihiin muwaadiniin British ah”ayuu yiri Xildhibaan Gacma-dheere.

Eedeynta loo soo jeediyay ayuu sheegay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere in ay tahay dagaal siyaasadeed oo lagula jiro, wuxuuna sheegay in ay warbixintaas ka gudbiyeen sida uu u yiri WFP iyo Hay’ado la mid ah, kuwaasi oo ay is-qabteen intii uu xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha hayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia