Talaado, May 27, 2008(HOL): Waxaa is-casilay oo xilkii uu hayay ka tegay Taliyihii Ciidamada Booliska Puntland G/sare C/casiis Saciid Gacamey oo in muddo ah xilkaas soo hayay.
Taliyaha oo is-casilaaddiisa kadib u waramayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in sababta uu isu casilay ay la xiriirto iyadoo ay daryeel waayeen Ciidamada Booliska ee uu madaxda u ahaa.
“Ciidamada Booliska waxay mushaar la’aan ahaayeen muddo 9 bilood ah, iyadoo la ogyahay in ay Xaas iyo Caruur leeyihiin, sidaas darteed markii aan arkay in aaney jirin cid xuquuqdooda siineysa, dhaqaale la’aan-na aysan jirin ayaan go’aansaday in aan ka tago xilkii aan hayay waayo mas’uuliyadda aniga ayay igu dhaceysaa oo taliye u ah”ayuu yiri G/sare C/Casiis Siciid Gacamey.
G/sare C/casiis Siciid Gacamey ayaa wuxuu intaas ku daray in uu ugu baaqayo maamulka Puntland in xilka uu baneeyay uu u magacaabo ciddii ka bixi karta, wuxuuna ka eed sheegtay qaar ka mid ah Wasiirrada Maamulka Puntland, kuwaasi oo ay is-qabteen intii uu xilka hayay.
Laakin waxaa jira warar laga helayo ilo ku dhow dhow Maamulka Puntland oo sheegaya in Taliyaha labo maalmood ka hor xil-ka-qaadis lagu sameeyay, isla markaana is-casilaadda uu sameeyay ay ka horeysay xil-ka-qaadis, iyadoo weliba la sheegayo in jagadii uu hayay ee Taliyenimada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Cali Maxamed Xaaji, kaasi oo ka tirsan Saraakiisha Akadeemiyada Ciidamada Carmo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ammaanka Deegaannada uu ka taliyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa muddooyinkan wuxuu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana ku soo badanayay af-duubyo Bad iyo Berri ka dhacayay oo loo geysanayay Dad Ajnabi ah iyo Maraakiib, iyadoo ay sii dheeraayeen Iska hor-imaadyo iyo Qaraxyo ka dhacayay Magaalada Boosaaso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia