Seddex Ruux oo Meyd ah oo saaka laga helay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Talaado, May 27, 2008(HOL): Meydadka Seddex Ruux oo rayid ah ayaa saaka lagu arkay xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, iyadoo jirka seddexdaaas ruuxna ay jirkooda rasaas ka muuqatay.

Seddexda Ruux ayaa waxaa lagu kala arkay seddex xaafadood oo ka tirsan Degmada Dharkeenlay oo kala ah Barxadda Dugsiga Dhamme Yaasiin Cartan, agagaaraha Ceelka Cali Cumar iyo Xaafadda C/xafiid.

Dadka ku dhaqan Degmada Dharkeenley ayaa walaac ka muujiyay dilka loo geystay seddexdaas ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn ciddii dilkooda ka dambeysay.

Dilalka Dadka Rayidka ah loo geysto ayaa waxay muujinayaan sida uusan u hagaagsaneyn ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo dilalkaas ay sii dheer yihiin qaraxyo iyo iska hor-imaadyo mar kasta ka dhaca, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Shalay ayay ahayd markii Wadada Maka Al-Mukarama lagu arkay meydadka seddex Nin, kuwaasi oo la sheegay in ay toogteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo Wadadaas ku sugan.

Meydadka saaka lagu arkay Degmada Dharkeenlay ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo shalay xaafadaha Taabakaayo-madow iyo Xoosh ay ka dhaceen Dil iyo qarax lala beegsaday Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto kooxihii dilka iyo qaraxa ka dambeeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia